Ali Isse Nahar ayaa sheegay in safarka Madaxweyne Ku-xigeenka uu qayb ka yahay dadaallada lagu xoojinayo wada-shaqeynta hay’adaha dowladda, la socodka xaaladaha gobolka, iyo dardargelinta adeegyada bulshada.
Waxa uu xusay in Madaxweyne Ku-xigeenka uu magaalada Gaalkacyo kula kulmi doono maamulka gobolka, kan degmada, odayaasha dhaqanka, bulshada rayidka ah iyo qaybaha kala duwan ee bulshada, si looga wada hadlo arrimaha horumarinta, amniga iyo xoojinta wada-shaqeynta dowladda iyo shacabka.
Ali Isse Nahar ayaa sidoo kale sheegay in Xafiiska Madaxweyne Ku-xigeenka uu bulshada la wadaagi doono warbixinno joogto ah oo ku saabsan kulamada iyo natiijooyinka ka soo baxa safarka shaqo ee Gaalkacyo.


COMMENTS