Hanti-dhawrka guud Puntland ayaa xiray akoonnada xisaabeed ee maamulka dawladda hoose degmada Galkacyo ee Puntland ku lahayeen bangiyada sida ay Daljir u xaqiijiyeen xildhjbaanno ka mid ah golaha deegaanka re degmada Galkacyo.
.
Sababta xiritaan ee akoonnada dawladda hoose ee Galkacyo, ayaa salka ku haysa baaris iyo dabagal hubineed oo lagu ogaanayo hannaanka maamul maaliyadeed iyo marinnada loo adeegsaday bixinta dhaqaalihii soo xarooday dawladda hoose.
Tallaabadaan Hanti-dhawrka ayaa imaanaysa iyadoo ay sii xoogaysanayaan cabashooyinka la xiriira maamulka dawladda hoose, kuna saabsan shaqada guud iyo xuquuqda shaqaalaaha, waxaana la tilmaamayaa ku dhawaad 5 bilood oo mushaarooyin ah in ay maqanyihiin sida ay noo sheegeen xildhibaanno golaha deegaanka ah.
Diiwaanka Wararka
Warbaahinta Daljir.


COMMENTS