Waa safarkii ugu horreeyey ee Madaxweyne Goita uu ku tago Moscow, waana Madaxweynihii labaad ee Isbahaysiga dalalka Saaxilka oo la kulmaya Madaxweyne Putin.
Isbahaysiga Saaxilka (AES) oo ka kooban saddexda dal ee Burkina Faso, Niger iyo Mali ayaa hormuud u ah dhaqdhaqaaqa cusub ee gobonimo doonka ah ee ka bilowday Afrika, ayaga oo dalalkooda ka cayriyey dhammaan dalalkii reer Galbeedka oo ay ugu horreeyaan Mareykanka iyo Faransiiska oo khayraadka dalalkooda si bilaash ah ku guran jiray. Tusaale, Mali oo ah dalka adduunka ugu dahab badan ma laha kayd dahab oo waxaa dahabka si bilaash ah u daldalan jiray Faransiiska, kana dhigay Faransiiska dalka shanaad ee dunida ugu kayd dahab badan. Faransiisku ma leh meel wax dahab ah laga qodo.
Dagaalada isdabajooga ah ee reer Galbeedku ka wado daafaha dunida ayaa lagu macneeyey khayraad doon sababo la xiriira dhaqdhaqaaqa cusub ee Afrika ka bilowday ee ay hormuudka u yihiin dalalka Saaxilku.
Ruushka ayaa hadda ah garabka koowaad ee la safan dalalka Saaxilka oo dhammaantood hadda wajahaya dagaalo argagixiso oo aan joogsi lahayn iyo waliba iskudayo dil oo lala beegsanayo madaxwaynayaasha dalalka Saaxilka. Madaxweynaha Burkina Faso Ibraahim Traore ayaa ka badbaaday 15 isku day dil oo lala beegtay illaa iyo hadda.
> Daljir Media


COMMENTS