HOGGAAMIYAHA DAWLADDA SSC-KHAATUMO AYAA QAABILAY WEFTI SARE OO UU HOGGAAMINAYO DANJIRAHA BOQORTOOYADA NORWAY U FADHIYA DALKEENA AMB. CARSTEN

HOGGAAMIYAHA DAWLADDA SSC-KHAATUMO AYAA QAABILAY WEFTI SARE OO UU HOGGAAMINAYO DANJIRAHA BOQORTOOYADA NORWAY U FADHIYA DALKEENA AMB. CARSTEN

Hoggaamiye Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali aya xafiiskiisa ku qaabilay Danjire Carsten Carlsen iyo madax sare oo ka socota hayadda NIS oo booqasho rasmiya ku soo gaadhay caasimadda Ssc-Khaatumo ee Laascaanood.

Hoggaamiyaha iyo danjiraha ayaa kulankooda kaga wada hadlay arrimaha horumarka, mashaariicda gargaarka, nabadda iyo geeddisocodka dawlad-dhiska SSC-Khaatumo.

Hoggaamiyuhu ayaa ugu horeyn xusay saaxibtinimada taariikhiga ee Dawladda Norway iyo shacabka SSC-Khaatumo isagoo sidoo kalana Danjiraha uga mahadceliyey mashaariicda horumarineed ee ay ka fuliyeen SSC-Khaatumo.

Dhanka kale Hoggaamiyaha ayaa xusay in SSC-Khaatumo tahay astaan nabadeed oo u taagan ilaalinta nabadda iyo xasiloonida geeska, markastana ay diyaar u tahay nabad kula noolaanshaha derisyadeeda.

Danjiraha ayaa dhankiisa si weyn uga mahadceliyey soo dhawaynta qiimaha badan ee uu kala kulmay shacabka iyo masuuliyiinta Caasimadda, isagoona ballanqaaday inay sii wadi doonaan taageerada horumarineed ee deegannadda Ssc-Khaatumo.

Mohamed Koronto | Daljir SSC-Khaatumo

COMMENTS

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com