Axmed Ducaale Geelle Xaaf waa Madaxweynaha Galmudug

HomeWararka

Axmed Ducaale Geelle Xaaf waa Madaxweynaha Galmudug

Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa si rasmi ah ugu guuleystay doorashadii maanta ka dhacday Cadaado ka dib markii wareegii labaad ee doorashada uu kaga gu

MAAMULKA DAWLADDA DEEGAANKA SOOMAALIDA (DDS) OO MAGAALADA JIGJIGA KA WADA OLOLE NADAAFADEED
Buuhoodle oo maanta laga xusay Mowliidka NNKH (dhegayso+Sawiro
Saaka & Dunida iyo Cabdifataax Cumar Geeddi, Daljir Garoowe (dhegayso)

Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa si rasmi ah ugu guuleystay doorashadii maanta ka dhacday Cadaado ka dib markii wareegii labaad ee doorashada uu kaga guuleystay Musharaxii la tartamayey oo ahaa Axmed Shariif.

Xaaf ayaa helay 54 ka mid ah codadkii xildhibaanada halka Axmed Shariif uu helay 34 cod, waxaana xumaaday hal cod.

Guddoomiyaha Baarlamanka Galmudug Cali Gacal Casir ayaa ku dhawaaqay natiijada codeynta isagoo xusay in doorashada madaxweynaha Galamudug uu ku guuleystay Axmed Ducaale Geelle (Xaaf).

Axmed Shariif oo ahaa musharaxii laga guuleystay ayaa u hambalyeeyey musharaxa ka guuleystay Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) isagoo sheegay inuu la shaqeyn doono waajibaadkiisana gacan ku siin doono.

COMMENTS

WORDPRESS: 1
  • Asc waa Siciid Cabdi Siciid jooga Bosaaso
    hambalyo ayn u dirayaa madaxweynaha cusub wxaana laga sugayaa inuu ka shaqeeyo amniga iyo wanaajinta xiriirka puntland iyo galmudug

DISQUS: