Waraysi Madaxweyne Gaas – Qaybtii 3aad (Dhegayso)

Waraysi Madaxweyne Gaas – Qaybtii 3aad (Dhegayso)

Waa Qaybtii 3aad ee Wareysigii Radio Daljir uu la yeeshay Madaxweynaha Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Sidaad ku dhegaysateen barnaamijyadyadii xalay iyo shalay waxaan idiin ku soo gudbinnay wareysi aan la yeelannay Madaxweyne Gaas, wareysigaas oo ku saabsanaa hormarinta Puntland iyo dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha.

Labadii qaybood ee hore ee aan idin soo gudbinay madaxweynuhu wuxuu ku faahfaahiyey arrimo badan oo iskugu dhismaha garoomada Puntland ee magaalooyinka Bossaso, Garowe iyo Galkacyo, waxaana sidoo kale uu madaxweynuhu uga xog warramay ballaarinta dekedda Bossaso, kastamkii u dhaxayn lahaa Puntland iyo Itoobiya iyo arrimo kale oo hagaajinta dawladnimada, jidadka iyo caafimaadku ay ka midyihiin.

Haddaba haataanna waxaan idin soo gudbaynaa qaybtii 3aad ee waraysiga uu madaxweyne Gaas siiyey Radio Daljir.

Qaybtaan 3aad ee wareysiga ahna qaybtii ugu dambaysay madaxweynuhu wuxuu uga hadlayaa badankeeda qorsha dawladdiisa ee soo aaddan, lana xiriira hormarinta iyo dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha, waxaana wareysanaya Cabdifitaax Cumar Geeddi, sidaan ayayna ku bilaabanaysaa.

Hoos ka dhegayso

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com