Baarlamaanka DFS oo 8 Xildhibaan Kuraastooda u Xukumay kana Horyimid Go’aankii Maxkamadda Sare

Xildhibaanada Aqalka hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay xarunta golaha Shacabka ayaa si weyn uga dooday go’aan dhawaan kasoo baxay Maxkamada sare ee dalka oo lagu amray in dib loogu noqdo doorashada 8-dii kursi ee muranka ka taagnaa .

Kulanka Baarlamaanka ayaa looga dooday go’aanka kasoo baxay Maxkamada sare ee dalka, waxaana inta badan Xildhibaanadii ka hadlay kulanka ay kasoo horjeesteen go’aanka kasoo baxay Maxkamada sare ee dalka ee lagu amrayay in doorashada 8-da kursi dib loogu noqdo.

Gudoonka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa markii dambe soo jeediyay in cod la galiyo qodobkan oo maanta kamid ahaa ajandaha kulanka Baarlamaanka, waxaana diiday kana soo horjeestay go’aanka Maxkamada sare 184-xildhibaan.

Maxkamada sare ee dalka oo loo gudbiyay dacwado ka dhan ah doorashadii qaar kamid ah Xildhibaanada Aqalka Hoose ayaa dhawaan amartay in dib loogu noqdo dooarsahada 8-kamid ah Kuraasta Aqalka hoose kuwaa oo muran badan ka jiray qaabkii loo soo doortay.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com