Booliska Australia oo Toogasho Ku Diley Wiil Soomaali ah (Sawirro)

Booliska Australia oo Toogasho Ku Diley Wiil Soomaali ah (Sawirro)

Booliska magaalada Melbourne ee dalka Australia ayaa toogasho ku diley muwaadin asalkiisu Soomaali kadib markii la sheegay in uu afduub u geystey haweeney duleedka magaalada Melbourne.

Gelinkii dambe ee isniintii xilliga Australia xarun idaacadeed oo lagu magacaabo Seven Network ee magaalada Melbourne, haweeney ayaa u sheegtay idaacada in afduub loo haysto waxaana sidoo kale hadlay qof rag ah oo yiri; “Waa IS,Waa Alqaacida.” sidaas waxaa sheegay Saraakiil ka Tirsan Ciidamada Booliska.

Intas kadib Ciidamo ka Tirsan booliska dalka Australia oo tagay halka haweeneyda lagu haystay ayaa la sheegay in ay rasaas is weydaarsadeen qofkii afduubka geystey waxaana ku dhaawacmay askari halka la diley muwaadin Soomaali ah oo halkaa qaxootinimo ku joogay laguna sheegay magaciisa Yacquub Kheyre.

Ururka IS ayaa sheegtay inay ka dambeeyeen afduubka waxana garabka warbaahinta u qaabilsan IS uu sheegay in weerarka afduubka uu ahaa mid loogaga soo horjeedo ka mid ahaanshaha dowlada Australia ee isbahaysiga la dagaalama ururka IS.

SAWIRRO

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com