Madaxweynaha Soomaaliya oo Ku Wajahan Magaalada Kismaayo

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa saaka safar ku tagaya magaaladda Kismaayo ee xarunta Jubbaland halkaas oo ay ka socoto qaban qaabadda soo dhaweyntiisa.

Amaanka magaaladda Kismaayo ayaa si weyn loo adkeeyay iyadoo lasoo sheegayo in ciidamo badan la dhoobay xaafadaha magaaladda gaar ahaan garoonka diyaaradaha ilaa halka madaxweynaha la dajin doono.

Wafdi hordhac u ah madaxweynaha ayaa galinkii dambe ee shalay gaaray gudaha magaaladda KISMAAYO, waxaana ay kulamo dhanka amaanka ah la qaateen madaxda maamulka Jubbaland.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com