Hay’adda UK Maritime Trade Operations (UKMTO) ayaa sheegtay in markab shidaal qaada lagu qabsaday Gacanka Cadmeed, kaddib markii ay kusoo dhowaadeen koox aan la fasaxin.
Sida ay UKMTO ku sheegtay digniin ay maanta soo saartay, dhacdadu waxay ka dhacday 136 mayl-badeed bariga magaalada Al Mukalla ee Yemen, xilli markabku uu u socday dhanka galbeed ee Gacanka Cadmeed.
Markabka ayaa baahiyay baaq degdeg ah oo loo diray maraakiibta kale, isaga oo adeegsanaya VHF Channel 16, kaddib markii ay kusoo dhowaadeen doon ama markab aan la fasaxin.
UKMTO ayaa markii dambe xaqiijisay in lix qof oo hubaysan ay fuuleen markabka, ayna hadda gacanta ku hayaan. Hay’addu waxay sheegtay in markabka loo weecinayo dhanka biyaha bari ee Soomaaliya.
Mas’uuliyiinta ayaa bilaabay baaritaan ku saabsan dhacdada, iyadoo UKMTO ay maraakiibta ku sugan aagga kula talisay inay si taxaddar leh u socdaan, isla markaana ay soo sheegaan dhaqdhaqaaq kasta oo looga shakiyo.
Ilaa hadda, UKMTO ma aysan shaacin magaca markabka, cidda iska leh ama maamusha, iyo sidoo kale meesha saxda ah ee Soomaaliya ee loo wado.
Dhacdadan ayaa kusoo beegmaysa xilli mar kale walaac laga muujinayo amniga maraakiibta ganacsi ee ku safra Gacanka Cadmeed iyo biyaha Soomaaliya.


COMMENTS