Dil Garsoor: Askari waa Dhintay qof Shacab ahna waa Dhaawac

HomeWararka

Dil Garsoor: Askari waa Dhintay qof Shacab ahna waa Dhaawac

Waxaa caawa Hotel Kulmiye, xaafadda Garsoor, lagu dilay askari ka tirsan Ciidanka Booliska Gaalkacyo, waxaana lagu dhaawacay qof shacab ah oo askariga

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdulaahi Deni ayaa hambalyo u diray dadweynaha Puntland
Puntland oo ka haddashay Masiibo ka dhacday gobalka Mudug (dhegayso)
Imran Khan oo guul lama filaan ah ka gaaray siyaasadda Pakistan

Waxaa caawa Hotel Kulmiye, xaafadda Garsoor, lagu dilay askari ka tirsan Ciidanka Booliska Gaalkacyo, waxaana lagu dhaawacay qof shacab ah oo askariga la fadhiyey.

Sida ay Radio Daljir u xaqiiyeen ilo wareedyo ka agdhawaa falka, weerarka waxaa geystay 2 nin oo ka yimid dhanka xaafadda Baraxley, kuna hubaysan bastoolado, isla markii ay falka fuliyeena u cararay isla xaafadda Wadajir.

Lama sheegin cid ka dabatagtay ama wax dhaawac ah oo soo gaaray labada nin ee dilka gaystay.

Weerarka caawa ayaa lala xiriirinayaa toogashada 2 kamid ahaa 7 nin oo maanta Bossaso lagu toogtay. Labadaas nin ayaa magaalada Gaalkacyo ku dilay 24 qof (afar iyo labaatan) oo isugu jira masuuliyiin iyo shacab (dhegayso warka hoose), meesha ay hal qof ku dhaawaceen.

Askariga caawa la dilay ayaa horay u dhaawacay mid kamid ah labada dil-fuliye ee ka hawlgeli jiray Gaalkacyo, kaddib dil uu u gaystay ganacsade isla xaafadda Garsoor, isla falkaasna ku dhaawacay ganacsadaha walaalkiis.

Qofka shacabka ah ee caawa dhaawacmay weli war sugan kama uu soo bixin.

Garsooraha iyo xeer ilaaliyaha maxkamadda Bossaso ayaa maanta ugu baaqay “dhallinta wax dhisha ee ka soo talaabta xaafadda Wadajir in ay shareecada Islaanka qaataan oo dilalka ka waantoobaan.”

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

7 Argagixiso oo Dilal Gaalkacyo iyo Qaraxyo Bossaso lagu Qabtay oo la Dilay (dhegayso)

 

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: