Dr. Saadiq Eenow – Qaybta 2aad: Waxtar Yeelo oo Dalkaaga Baro (dhegayso & sawirro)

Dr. Saadiq Eenow – Qaybta 2aad: Waxtar Yeelo oo Dalkaaga Baro (dhegayso & sawirro)

Dulucda Mawduuca: Dadnimo yeelo, waxtar iyo waxsoosaar yeelo, dalkaaga baro, taariikhdaada daris, oo Soomaalinimadaada ku faan; ha oggolaan in dalkaaga lagugu diro, oo ha oggolaan in Soomaaliga walaalkaa ah cadow lagaaga dhigo; ha oggolaan in cadowga dadkaaga iyo dalkaaga lagu walaalaysiyo. Dad jira noqda, oo dad ka dashay, dalna leh!

Laakiin intaas oo dhan macno weyn ma leh, haddii aad maalin kasta baryo la soo taagantahay, marka waxtar yeelo oo waxsoosaar ku mashquul!

*****

Qaybta 2aad

*****

Dr. Saadiq Maxamed Axmed ‘Saadiq Eenow’ waa siyaasi xilal kala duwan soo qabtay, waxa uuna mar ahaa mushharax Madaxweyne, marna soo noqday Wasiirka Caafimaadka Puntland. Waa aqoonyahan ku xeeldheer cilmiga taariikhda iyo juquraafiga; waa dhakhtar qalliimada carruurta; waana qoraa diyaarshay, daabacayna kutubo badan oo diini iyo maadiba isku jirta.

Dr. Saadiq Eenow waxaa kale oo uu muddo badan ka shaqaynayey arrimaha cilmibaarista, isaga oo wax badan ka daraaseeyey, kana diyaariyey taariikhda dad iyo dal ee Soomaaliya.

Maanta aan idin la qaybsano khudbad uu ka jeediyey masaajid ku yaalla magaalada Minneapolis, gobolka Minnesota, ee dalka Markaykanka. Khudbadda waxaa uu uga hadlayaa Juquraafi ahaan dalka Soomaaliya meesha uu ku yaallo habboonaanteeda, noocyada khayraad ee Soomaaliya uu Rabbi ku mannaystay, iyo fursadaha bannaan ee dadka Soomaaliyeed ay weli ka faa’idaysan la’yihiin.

Asbuucaan waa qaybtii 1aad ee khudbadda Datoorka, todobaadka dambena waxaad maqli doono qaybta 2aad oo isla qaddiyadahaan ku saabsan.

Hoos ka dhegayso

Sawirro khayraadka Dalkaaga!

  

  

  

  

 

 

 

Faallee ama ka falceli mowduuca kore oo ku guulayso abaalmarin AMAL Bank. "AMAL BANK. YOUR FUTURE. OUR MISSION."

AMAL Bank ku Dirso, ku Keydso, ku Maalgasho! Hadaba si aad u hesho abaalmarin AMAL BANK qaybta hoose ee faallooyinka iyo falceliska ku qor magacaaga iyo moobilkaaga, ama email wata magacaaga oo buuxa iyo moobilkaaga noogu soo hagaaji: [email protected]
AMAL Bank. "Your Future. Our Mission"

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 2
  • moha 0907889343 3 weeks

    waa mawduuc wanaagsan runtii

  • moha 3 weeks

    waa mawduuc wanaagsan runtii