duqeyn ka dhacday galabta gobalka Nugaal

duqeyn ka dhacday galabta gobalka Nugaal

Duqayn ayaa goordhaweyd lala beegsaday saxiimad ay tobaneeyo qof saarnaayeen xeebta Jiifle ee degmada Godobjiiraan ee Gobolka Nugaal, iyada oo ay dhinteen ilaa 7 ruux sida ay inoo xaqiijiyeen dadka deegaanka.

Ma cadda dalka fuliyey duqaynta, waxa se la sheegey in aagga deegaanka maalmo ka hor lala yimi markabka Soomaalida u afduuban ee MV Lutuf oo sita calanka Kamaruun, lana sheegey in uu u raran yahay Turkiga; oo aan isagu rasmi u sheegan.

Waa duqayntii saddexaad ee todobaad gudihi ka dhacaysa xeebta Nugaal, taas oo geysatay khasaare nafeed, taas oo Puntland cambaaraysay.

Dowladda Federaalka ayaa iyadu sheegtey in ay ogtahaay duqayn kasta oo ka dhacda dalka, hase-yeeshee weli faahfaahin kama bixin duqaymahan oo saameeyey rayid iyo burcad-badeeda soo laabatay.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com