GAALKACYO: GEEDI SOCOODKA NABADDAYNTA IYO HESHIISIINTA BEELAHA EE SALEEMAN ABDALLE DIR IYO LOOBOGE SHIKHAAL

GAALKACYO: GEEDI SOCOODKA NABADDAYNTA IYO HESHIISIINTA BEELAHA EE SALEEMAN ABDALLE DIR IYO LOOBOGE SHIKHAAL

Waxaa Caawa magaalada Gaalkacyo lagu qabtay kulan muhiim ah oo lagu kulmiyey dhalinyarada beelaha walaalaha ah ee Saleebaan Cabdalle Dir iyo Looboge Sheekhhaal, kaas oo diiradda lagu saaray xoojinta nabadda, dib-u-heshiisiinta iyo sidii dhalinyaradu door muuqda uga qaadan lahaayeen geeddi-socodka nabadaynta labada beelood.

‎Kulankaan oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland, islamarkaana ay ka soo qaybgaleen xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada Dowladda Puntland, maamulka Gobolka Mudug, maamulka degmada Gaalkacyo iyo masuuliyiin kale oo ka shaqeeya arrimaha nabadda iyo bulshada ayaa waxaa looga hadlay muhiimadda ay leedahay in dhalinyaradu noqdaan hormuudka nabadda, is-dhexgalka bulshada iyo xal u helidda khilaafaadka, iyadoo la adkeeyey baahida loo qabo in la iska kaashado ilaalinta nabadda iyo xoojinta xiriirka walaaltinimo ee labada dhinac.

‎Shirkaan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu taageerayo geeddi-socodka nabadaynta iyo dib-u-heshiisiinta beelaha walaalaha ah, iyadoo la filayo in dhalinyaradu ay noqdaan tiir muhiim u ah hirgelinta nabadda iyo wada noolaanshaha bulshada.

src=”https://daljir.com/wp-content/uploads/2026/09/IMG_20260912_233906_047-scaled.jpg” alt=”” width=”2400″ height=”2560″ class=”alignnone size-full wp-image-182461″ />

<>

COMMENTS

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com