DDS | NABADDOON KHADAR AXMED MATAAN | MADAXWEYNE MUSTAFE WAX WUU QABTAY BALSE XUQUUDII BEESHAYDA WUU KU SEEXDAY

“Horta Anigu xaqiri maayo waxqabadka Madaxweyne Mustafe Muxummed Cumar uu deegaanka ka sameeyey haddii ay tahay dhanka horumarka iyo amniga, balse xuquuqdii beeshayda wuu ku seexday.

Anigu ma qabo in Madaxweyne Mustafe uu meesha ka tagayo waayo is badelka iyo nidaamka cusub ee dalka iyo deegaanku galayo waxuu ka yahay qayb.

Xukuumadda uu hoggaaminayo Madaxweyne Mustafe waxaan ku dhaliilayaa inay ka gaabisay dhanka dabagalka loona baahan yahay inay ka fiirsato masuuliyiinta loo dirayo Gobolada oo ay caddaalad ku salayso nidaamka wax loogu qaybinayo.

Wasiir Maxamed Aadan Daahir oo ah Wasiirka Warfaafinta Dowladda Deegaanka Soomaalida oo reer Daakhato ah, annaka oo reer Doollo ah nama matalo xaataa reer Tuli Guuleed ayuunan matalin, ee waxaa wali meesha ku lunsan oo aan raadinaynaa xaq iyo xuquuq wixii aan deegaanka ku lahayn.”

La Soco Waraysi Xaasaasi ah & Nabaddoon Khadar Axmed Mataan

COMMENTS

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com