Garoowe: Hay’adda Lifeline Africa, ayaa Garoowe ku qabatay shir maqaam sare ah oo looga hadlayey dardar gelinta u qareemida iyo ilaalinta xuquuqda dadka Barakacayaasha ah ee ku sugan kaamamka kala duwan ee Puntland kuyaala. Shirkan waxaa ka qaybgalay Masuuliyiin ka socda Wasaaradaha adeegyada bulshada bixiya ee Puntland oo kala ah Wasaaradaha Caafimaadka, Waxbarashada, Arimaha Gudaha, Gargaarka iyo kuwo kale.
Sidoo kale kulanka waxaa goobjoog ahaa Hay’adaha caalamiga ah ee ka shaqeeya arimaha Qaxootiga iyo Barakacayaasha, Hay’adaha maxaliga ah, Ururada bulshada, Dalladda PUNSAA, xafiiska difaacaha xuquuqul Insaanka Puntland iyo haldoor kala duwan.
Intii uu socdey kulanka waxaa lagu soo bandhigay Xog aruurin magaalada Boosaaso iyo xaaladeeda Barakacayaasha ay ka diyaariyeen hawlwadeenada Hay’adda Lifeline.
Kulakan lagu xoojinayey ilaalinta xuquuqda barakacayaasha iyo badqabkooda waxaa taageeray Xafiiska UNTMIS ee Garoowe iyo xafiiska Xuquuqul Isnsaanka ee UNTMIS waxaana fuliyey Hay’adda Lifeline.


COMMENTS