Hay’adda Sirdoonka & Amniga Qaranka Itoobiya ayaa soo saaray awaamir, in maanta laga bilaabo magaalada Addis Ababa Ee Caasimadda dalka Itoobiya iyo nawaaxigeeda aan lagu dhex duulin karin nooc kaste oo Drone ah, Ciddii isku dayna in ay adeegsatana laga qaadi doono talaabo sharci ah.
Hay’addu maynan cayimin muddada la mamnuucay balse waxay digniin iyo amar ka soo saartay in aan la ogolayn isticmaalka Drone iyo qalabka la midka ah.
Hay’adda ayaa sheegtay in Adiss Ababa iyo nawaaxigeeda ay ka socdaan kormeerro lagu xakamaynayo Drone ta, ayadoo la adeegsanayo tiknoolajiyad isku dhafan oo looga hortagayo Drone ta.
Amarkan ay soo saartay Hay’adda Sirdoonku ayaa ku soo beegmaya xilli ay socdaan dagaalada u dhexeeya Jabhadda TPLF iyo Dowladda Federaalka Itoobiya.
Daljir kala soco wararkii ugu dambeeyey ee Xaalka dalka soomaaliya
> Daljir Media | Wariye Jamarti


COMMENTS