QARAMADA MIDOOBEY OO WALAAC KA MUUJISAY XAALKA ITOOBIYA & BEEGSIGA LAGU HAYO SHAQAALAHA GARGAARKA

QARAMADA MIDOOBEY OO WALAAC KA MUUJISAY XAALKA ITOOBIYA & BEEGSIGA LAGU HAYO SHAQAALAHA GARGAARKA

Hay’adda Qaramada Midoobay ayaa walaac ka muujisay weeraradda iyo beegsiga lagu hayo shaqaalaha iyo hantida gargaarka binu’aadantinnimo

Isuduwaha Qaramada Midoobay ee arrimaha deggeneyaasha iyo gargaarka bani’aadannimo ee Itoobiya, Dr.Ozenia Ojiello ayaa bayaan ka soo saaray xaalka sii xumaanaya ee Waqooyiga Itoobiya

Iskuduwaha ayaa sheegay in dadkii horray u barakacay ay wajahayaan xaalado duruufeed oo adag sidaas oo ay tahay hadda ay jiraan dad kale oo ku barakacay xaalka sii xumaanaya ee waqooyiga Itoobiya. Haseyeeshee ay ka walaacsan yihiin beegsiga iyo weerarrada lagu hayo shaqaalaha gargaarka, hantidooda, xafiisyadooda, kaabayaasha rayidka ah iyo afduub lagula kacay shaqaalaha gargaarka

Bayaankan ayaa sheegay in falalkani caqabad ku noqdeen gargaarka bani’aadannimo.

Daljir kala soco wararkii ugu dambeeyey ee Waqooyiga Itoobiya

> Daljir Media | Wariye Jamarti

COMMENTS

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com