Iran oo Sheegtay inay wali diyaar utahay dagaal iyo wada hadal labaduba.

Iran oo Sheegtay inay wali diyaar utahay dagaal iyo wada hadal labaduba.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda islaamiga ah ee Iran Mascuud Pezeshkian, ayaa sheegay in dowladda iran ay ka go’antahay sii wadida dedaalada diblomaasiyadeed si loo gaadho xal.

Shuruuda iran ee kuxidhan wada hadalada iyo inay diblomaasiyada guuleysta ayaa ah mid cad balse mareykanka oo doonaya inuu xoog ku maquuniyo iran ayaa udira hanjabaad si uu ubaqdin galiyo balse iran geesteeda waxaay sheegtay inay diyaar uyihiin wado walba oo mareykanka doorto hadii ay noqoto dagaal ama wada hadal.

Madaxweynaha jamhuuriyada Islaamiga ah ee iran ayaa sheegay haddii Mareykanka aqbalo shuruudaha Iran iyo iney ka tanaasulaan damacooda ah ridista nidaamka maamul ee Iran inay suurtagal tahay in ay la heshiiyaan.

“Waa la hadlaynaa haddii ay aqbalaan wixii aan wada qoranay.” Ayuu Yidhi Mascuud Madaxweynaha Jamhuuriyadda islaamiga ah ee Iran.

Mohamed Koronto | Daljir Media

COMMENTS

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com