Isbahaysiga uu hoggaamiyo Sacuudiga ee dagaalka kula jirA Yemen oo sheegay inay Gantaalo iyo diyaarada lagu weeraray Sucuudiga soo rideen.
War qoraal ah oo uu soo saaray isbahaysiga uu Sucuudiga Hogaamiya oo lagu daabaxay X ayaa lagu sheegay in ay soo Rideen laba gantaal oo Nooca Plastic ga ah iyo laba diyaaradood oo Drones ah oo ay Ansarullah alxuuti ku weerareen Yemen.
Gantaalada iyo diyaaradaha ayaay shegeen inay kusoo rideen hawada Khamis Mushait.
Boqortooyada Sacuudiga ayaa habeennimadii xalay soo saaray digniino ku saabsan khatar suurtagal ah oo ka dhici karta Khamis Mushait.
Xuutiyiinta, oo maamula caasimadda Yemen ee Sanca, iyo inta badan waqooyiga dalka, ayaa weerarro ku qaadayay Sacuudi Carabiya tan iyo markii ay ku dhawaaqeen xayiraadda badda ee Boqortooyada Sucuudiga bishii Luulyo.
Saacado ka hor, hoggaamiyeyaasha militariga ee ka socda Sacuudi Carabiya, Turkiga, iyo Bakistaan saxiixayaasha Heshiiska Makka ee Difaaca Wadajirka ah ayaa kulan kuyeeshay Riyadh si loo xoojiya heshiiska.
Isbaheysigan 3da dal ah ayaa sheegay weerar kasta oo lagu qaado mid ka mid ah saddexda waddan in isbahaysiga u arkayo weerar lagu qaaday dhammaantood, waxayna sheegeen in heshiisku ay ujeeddadiisu tahay in la xoojiyo iskaashiga milatari.
Wasiirka Difaaca Sacuudiga Amiir Khalid bin Salman ayaa sheegay in isaga iyo Taliyaha Ciidanka Pakistan Asim Munir ay ku xaqiijiyeen Riyadh inay sii wadaan dadaallada wadajirka ah ee looga hortagayo weerarrada ka dhanka ah Boqortooyada iyadoo la raacayo heshiiska.
Mohamed Koronto | Daljir Media


COMMENTS