Khudbaddii xalayn ee Trump: “Iran waan xoreyneynaa” waxaa xigey “Iran waxaan dib ugu celineynaa casri jaahiligii”
Qof Soomaaliga ah ama siyaasiga Soomaaliyeed ee rajo ka qaba in uu hoggaan qabto muxuu ka baran karaa siyaasadda reer Galbeedka iyo hadafkooda?
Inta aynaan galin khudbaddii xalay ee Trump waxaa ka horreeyey oo shalay talafishinka Mareykanka ee FOX waraysi siisyey Jamie Dimon, Guddoomiyaha Bangiga JP MORGAN CHASE, ahna bangiga ugu weyn Mareykanka. Haddii bangi matalo danaha reer Galbeedka waa bangigaas. Guddoomiye Dimon kama hadlin dhaqaalaha liita ee Mareykanka, xaalka daran ee bangiyada Mareykanku wajahayaan, iyo deynta aan la bixin karin ee dawladda Mareykanka; laakiin wuxuu ka hadlay muhiimadda ay leedahay in la sii wado duullaanka Iran. Wuxuu yiri, ‘!ran waa dad aad u xun oo khatar nagu ah. Hadda waxay rideen gantaal gaaraya 3,000 oo KM. Waa in laga dhigaa dal aan khatar ku ahayn danaha Maraykanka.”
Waxaad xasuusataa duullaan kasta waxa uu ku bilowdaa ‘Hoggaamiye hebel dadkiisuu laayaa, marka waa in dalka laga xoreeyaa.’ Dalalka ‘xorriyadaas’ helay, dalkoodii la burburiyey, malaayiin laga laayey, welina la tacaalaya in ay dib u istaagaan waxaa kamid ah Soomaaliya, Libya, Sudan, Suuriya, Ciraaq, Yaman, iyo Afqanistaan. Dhammaantood waxay ka mideysanyihiin in ay yihiin dalal Muslim ah, dilka ugu badana waxaa gaystay argagixiso sheegata diin Islaam oo lagu soo wada dhextuuray, lagana masruufo Abu Dhabi, Dooxa iyo Riyaadh.
Waxaad kale oo maanka ku haysaa qof kasta oo ka soo horjeeda danaha bangiyada Mareykanka waa “qof xun.” Xasuuso Qadaafi, Bashar al-Asad, Sadaam Xuseen, Ayatollah, iyo qof kasta oo ka horyimaada danaha Mareykanka iyo !sraal waa “qof xun.” Kii oggolaada in uu fuliyo danaha reer Galbeedka waa “qof wanaagsan.”
Tusaale waxaa kuugu filan sida Madaxweynaha Suuriya oo hore u ahaa asaasihii IS’IS maalmihii la soo dhaafay loogu soodhaweeyey Buckingham Palace, hoyga Boqortooyada Ingiriiska, iyo waliba 10 Downing Street iyo xafiiska RW Keir Starmer. Madaxweynaha Suuriya oo shalay ahaa madaxa argagixisada maanta waa ‘nin fiican’, waxaana loo furay albaab kasta oo reer Galbeedka, Aqalka Cad, Bundeskanzleramt illaa iyo Buckingham Palace. Qofka Soomaaliga ah ee caqligiisu uusan liidan uma baahna in loo fasiro waxa madaxda !ran ama kuwii hore loo laayey ee ay kamid ahaayeen Qadaafi iyo Sadaam Xuseen ka dhigay ‘dad aad u xun oo istaahila in la laayo,’ meesha madaxda Suuriya, Jordan, Qadar, Turkiga, Azerbaijan iyo Imaaraadku ay yihiin ‘dad aad u fiican’ oo lala shaqeyn karo.
Khudbaddii Trump ee xalay waxaan ku soo koobi karnaa in ay ahayd khudbad jawaab u ah hadalkii Jamie Dimon iyo “waan qaadanay amarka,’ haddii Iran ay amarkayaga qaadan weydanaya “Waxaan dib ugu celineynaa casri jaahiligii (Stone Age).” Wasiirkiisa Dagaalka Pete Hegseth oo isla hadalkii Trump ayidayna asna wuxuu ku celiyey “Iran waxaan dib ugu celineynaa casri jaahiligii.”
Qofka Soomaaliga ah waa in uu fahmaa siyaasadda Mareykanka ma jaangooyo madaxweynuhu ee waxaa jaangooya shirkadaha waaweyn ee Mareykanka, shirkadahana waxaa maamula bangiyada, bangi ka ugu weyna waa JPMORGAN CHASE. Bangiyada Mareykanku waa kuwo madaxbannaan oo aan hoosimaan dawladda, ayagaa daabacda lacagta, ayaa maamula dhaqaalaha, ayagaana dalka u taliya. Lacagta la daabaco waxaa damaanad (collateral) u ah khayraadka dabiiciga ah ee dalalka dunida, ha ahaato Venezuela, Sucuudiga, Qadar, Imaaraadka, Kuwait iyo Baxreyn. Markii dhaqaaluhu xumaado macnaheedu waxaa weeye waxaa yaraaday damaanaddii, sidaas darteed waa in la helaa damaanad cusub.
Haddaba see loo helaa damaanad cusub? Jawaabtu waa in la helaa khayraad cusub. Markii hore waxaa la isku dayey khayraadka Ruushka oo ah dalka adduunka kheyraad ahaan ugu qanisan. Waa lagu khasaaray. Waxaa lagu xijiyey Venezuela, waana lagu guulaystay. Waxaa lagu sii xijiyey Iran, waana mid hadda fashil qarka u saaran. Fashil kaliya ma aha e meeshii awal 25% kheyraadka ay kala baxaan Khaliijka uu mari jiray waa lagala wareegay. Xulufadii uu Mareykanku hore u isticmaali jiray markuu dal ku duulayo waa diideen duullaan danbe. Bangiyadii damaanad raadiska ahaa waxay qarka u saaranyihiin in ay waayaan wixii damaanad hore ugu tiil Khaliijka, haddii ay helaan ugu khacaysa qiime ka badan kii hore.
Inta bangiyadu ku mashquulsanyihiin sidii ay ula wareegi lahaayeen damaanad horleh adiga waxaa lagugu mashquuliyey oo lagaa adeejiyey Wahaabiyad iyo ‘diin sax ah ma haysatid.’ Haddii aad intaas fahamtana waxay tahay ‘qof xun.’ Haddii aad is difaacdo ‘waxaad tahay argagixiso’ hadde ogow waa isla aragagixisadii ay abuureen si aadan marna saani ugu socon, una garan weydid meel aad u socoto iyo meel lagaaga yimid.
Dhallinta Soomaaliyeed oo ku dhawaad 75% bulshada Soomaaliyeed ah waxaa dagaal lagu hayey 50 sano. Waxaa lagaala dagaalmay waxbarsho. Waxaa lagu baray taariikh aan jirin. Waxaa lagu qaadsiiyey jid mugdi ah. Waxaa laguu abuuray diin been ah. Waxaa lagaa adeejiyey daroogada Kenya iyo Itoobiya, oo haddana madaxdaadii lagu khasbay in ay ka ganacsadaan. Waxaa laguu sameeyey madax dhiigmiirato ah. Waxaa si toos ah iyo si dadban lagaa horkeenay danahaaga. Waxaa lagu gaarsiiyey in aad fahmi weydo waxa dan kuu ah iyo waxa ku dibindaabyeynaya. Waxaa lagugu soo xiray qol mugdi ah. Saas oo ay tahay ma aha wax dhib badan in aad nalka daarato. Ma ah wax dhib badan in aad taariikhda saxda ah barato. Dantaada ayaa ku jirta in aadan ka shaqeyn danaha Jamie Dimon.
Waa socotaa …
> Daljir Media, Maxamed Cali


COMMENTS