CALI LARIJANI MUXUU HANTI ADDUUNKA UGA TAGAY?
Dhallinta Soomaaliyeed maxay Larijani ka baran karaan?
Cali Larijani oo Mareykanka iyo Yhdu iska kaashadeen dilkiisa, marka laga tago darajadiisa Xoghayaha Amniga Qaranka, wuxuu ahaa mutacalin sare oo bartay ‘computer science, mathematics, iyo filasoofiga reer Galbeedka, kana gaaray shahaadada PhD. Waxa uu ahaa qoraa qoray saddex buug oo waaweyn oo uu ku falanqeeyay falsafadda filasoofarkii reer Galbeedka ee Immanuel Kant, gaar ahaan dhinacyada ‘epistemology‑ga, xisaabta, iyo xiriirka u dhexeeya metaphysics‑ka iyo cilmiga ( Buugta Larijani: Mathematical Method in Kant’s Philosophy; Metaphysics and the Exact Sciences in Kant’s Philosophy; Intuition and the Synthetic A Priori Judgments in Kant’s Philosophy).
Geeridii Cali Larijani kabacdi waxaa la diiwaangaliyey lana shaaciyey wixii uu hanti adduunka uga tagay. Hantidiisa la shaaciyey waxaa ka mid ahaa:
1. Gaari Samand ah oo sanadkii 2011 la soo sameeyey, laguna qiimeeywy $3,000 illaa $4,000
2. Kirada gurigiisa bil kasta waxay ahayd $60
3. Bastoolad lagu sanceeyey Iran oo hadiyad ahaan uu ka helay Imaam Khomeini, laguna qiimeeyey $1,000 illaa $2,000
4. Faraanti uu kabhelay Aayatullah Khamenei, laguna qiimeeyey $200
5. Daynta lagu lahaa ayaa lagu sheegay mid uu lahaa darawalka bas gabadhiisa iskuulka geeya oo ah $30, darawalkuma wuu cafiyay deyntaas
Bal haddaba isku miisaan siyaasiga Soomaaliyeed, mid fadaraal iyo mid maamul goboleed, iyo sida hammigiisa koowaad uu u yahay sidii uu u diiran lahaa dalkii iyo darajadii lagu aaminay.
Haddii aad la yaabaneyd meel Soomaali mareyso, ha yaabin, waa qorshe laga soo shaqeeyey 50kii sano ee la soo dhaafay, dhallintana lagu soo tababaray, kana soo bilaabatay hay’adaha gargaarka, laakiin aadan marnaba arag gargaar waara oo Soomaali waxtara (arag maqaalkii hore ee maanta iyo hadadka reer Galbeedka iyo bangiyadooda).
Haddii kuwii hore ay ma-gudbayaal noqdeen, dhallinta Soomaaliyeed ee maanta ma awoodaan in ay ka leexdaan jidkii ay kuwii hore mareen oo Soomaali ku dhuntay, dhabbe cusubna ay Soomaali u falaan.
> Daljir Media, Maxamed Cali
CALI LARIJANI MUXUU HANTI ADDUUNKA UGA TAGAY?
Dhallinta Soomaaliyeed maxay Larijani ka baran karaan?
Cali Larijani oo Mareykanka iyo Yhdu iska kaashadeen dilkiisa, marka laga tago darajadiisa Xoghayaha Amniga Qaranka, wuxuu ahaa mutacalin sare oo bartay ‘computer science,… pic.twitter.com/4Y29o5DAEW
— Daljir Media (@radiodaljir) April 2, 2026


COMMENTS