Madaxweynaha Soomaaliya oo Lagu Soo Dhoweeyey Imaaraadka Carabta

Madaxweynaha Soomaaliya oo Lagu Soo Dhoweeyey Imaaraadka Carabta

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayay ayaa xalay gaaray magaalada Abu dhabi ee dalka Imaaraadka Carabta, halkaas oo si weyn looga soo dhaweeyey, wuxuuna maanta kasoo duulay Magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa waxaa halkaas uga sii horeeyey wafdi u hoggaaminayey wasiirka Arrimaha Dibadda Yuusuf Garaad Cumar, waxayna kulamo la qaateen madax ka tirsan dowladda Imaraadka carabta iyadoo ballan qaad dhaqaale iyo deeq loogu talagalay Abaaraha.

Safarkaan uu madaxweynaha ku tagay Imaaraadka Carabta ayaa noqonayo midkii ugu xasaasisanaa maadaama waxyaabaha halkaas looga hadli doono ay yihiin kuwa sababay inuu xumaado xiriirka labada Dowladood.

Dowladda Imaaraadka ayaa xadgudub weyn ku sameysay dowladda Soomaaliya kadib markii ay iyadoo aan la tashan heshiisyo halis ah la gashay maamul Goboleedyada dalka ka jiro, waxaana xusid mudan in loo saxiixay dakado muhiim u ah Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa la filayaa inuu halkaas kulamo kula qaato Madaxda Imaaraadka Carabta, wixii natiijo ah ee kasoo baxana waan idiin soo gudbin doonaa Inshaa Allah.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com