Madaxweyne Donald Trump, Iran, iyo Heshiiska Nukliyeerka

Madaxweyne Donald Trump, Iran, iyo Heshiiska Nukliyeerka

Madaxweyne Donald Trump oo lagu doortay in uu jeexjeexayo, qashinkana ku darayo heshiiskii xukuumaddii hore la gashay Iran ayaa Khamiistii si lama filaan ah waxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda USA soo saartay “Ayidaad” ay ku ayidayso heshiiska nukliyeerka, kagana markhaati kacayso in Iran ay qaybtii heshiiska kaga aadayn ay u fulisay sidii loo qoray.

Saas oo ay tahay saacado kabacdi waxaa shir jaraa’id qabtay Xoghaya Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Rex Tillerson, kaas oo uu ku sheegay ‘in kasta oo Iran fulisay heshiiska, hadana weli Iran waa argagixiso taageer.”

Madaxweyne Trump oo asna jawaab ka bixiyey xilli uu shir jaraa’id qabtay isla Khamiistii wuxuu yiri, heshiisku ma ahayn mid fiican, waana lagu noqonayaa, war suganna mar aan fogayn waad naga helaysaan.”

Yurub, Ruushka iyo Shiinaha ayaa ayana ayiday heshiiska, kuna tilmaamay lamataabtaan.

Sacuudi Carabiya iyo xulufadeeda ayaa Iran u arka quwad khatar ku ah jiritaanka wadamada Khaliijka, kuna adkaynaya USA in ay Iran dagaal la mid ah kii Ciraaq ku qaaddo Iran, cunaqabataynta dhaqaalaha ee hadda Iran saaranna la sii saddex jibaaro.

Barack Obama, Madaxweynihii hore ee USA, ayaa dooddaas Sacuudiga iyo xulufadiisa u arkay mid aan qalmin, lana galay Iran heshiiska nukliyeerka, una fasaxay lacag kor u dhaafaysa $100 milyan oo dollar. Waxaan shaki ku jirin in Maraykanku u arko Iran quwad soo baxday, astaahishana in lala macaamilo.

Donald Trump, madaxweynaha hadda ee USA, ayaan maalinna heshiiska Iran ayida, maalin kalena u arka heshiis aan USA iyo xulufadeeda u qalmin.

Musharixiinta ku loolamaya xilka madaxweynanimo ee Iran ayaa ayana aaminsan in heshiiska lagu khasaaray maadaama cunaqabatayntii weli Iran saarantahay.

Masawiro Tehran, Iran

  

Radio Daljir

Garoowe

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com