MADAXWEYNE XASAN SHIIKH OO DIYAAR U AH IN UU KURSIGA DHIIG U DAADIYO & DALALKII SOOMAALIYA IYO MAAMULADA SOOMAALIYA MASRUUFI JIRAY OO MUSALIF QARKA U SAARAN

MADAXWEYNE XASAN SHIIKH OO DIYAAR U AH IN UU KURSIGA DHIIG U DAADIYO & DALALKII SOOMAALIYA IYO MAAMULADA SOOMAALIYA MASRUUFI JIRAY OO MUSALIF QARKA U SAARAN

MADAXWEYNE XASAN SHIIKH OO DIYAAR U AH IN UU KURSIGA DHIIG U DAADIYO & DALALKII SOOMAALIYA IYO MAAMULADA SOOMAALIYA MASRUUFI JIRAY OO MUSALIF QARKA U SAARAN

Intaan gaajo iyo harraad loo dhiman, maxaa madaxda Soomaalida u diiday in ay qiimeeyaan meel adduun marayo iyo xaalka dhaqaale ee dalka ee ka sii daraya?

Adduunku wuxuu wajahayaa xaalad dagaal oo ay dabasocoto dhaqaale burbur baahsan oo hadda meel kasta oo dunida gaaray. Warshadihii adduunka waa xirmayaan, qaarna waaba xirmeen. Dalalkii Soomaalida qurbuhu biilka ka soo diri jireen waa shaqo la’aan. Xaalka dalalka Khaliijka ayaga warkoodaba daa.

Dhanka dawladda iyo maamulada Soomaalida oo waayahaan biilka ka heli heli jiray Turkiga, Imaaraadka iyo Qadar waa suurtagal haddii aan mar hore la joojin biilkii ay heli jireen, in bil ama laba kabacadi la waayi doono.

Aan idin la qaybsano sababaha dawladda fadaraalka iyo maamulada Soomaalidu ay dhawaan u wada noqon doonaan bilaa biil.

Aan ka bilowno Turkiga. Turkigu wuxuu wajahaya culaysyo dhaqaale oo aad u daran ayna kamidyihiin sicir‑barar aad u sarreeya oo gaaray 32% bishii Febraayo 2026, kororka kharashaadka nolosha, hoos‑u‑dhaca awoodda wax‑iibsiga, iyo baahida gudaha oo aad u daciiftay. Turkiga oo hadda ku tiirsan iibinta shidaalka Ruushka ee mara Turk-Stream waxaa maalin kasta dul heehaabaya daroonada Ukraine oo sheegay in ay dhuumaha shidaalka duqeyn doonaan.

Turkiga oo dhaqaale burbur awal qarka u saarnaa waxaa uga sii daray duullaanka Iran, taasina waxay keentay in Turkigu uu bilaabo iibinta kaydka dahabka si uu yareeyo cadaadiska lacagaha qalaad una taageerto miisaaniyadda iyo sicir-bararka. Tallaabadani si buuxda uma xallin karto caqabadaha dhaqaale ee Turkigu wajahay waa se tusaale meel xaal marayo mar haddii dawladdu bilowday in ay iibiso kaydkii dahabka.

Waxaa kuu soo haray Imaaraadka iyo Qadar. Labada dalba maraakiibta shidaalka sida ee hadda badda maraya ma aha e bilaha soo socda ma jiri doono hal markab oo dalalkooda ka bixi doonaa oo shidaal sida.

Dooxa waxaa ka socda qax ballaaran oo waxaa loo wada guuray Sucuudiga. Dubai iyo Abu Dhabi waa laga guuray oo cid maanta dhaqaaqdaa ma jirto, shalay oo ugu danbeysana Danjiraha Imaaraadka ee Mareykanku wuxuu sheegay in dalkiisu diyaar u yahay duullaan cusub oo Iran lagu qaado, si looga qabsado jasiiradaha ka agdhow Imaaraadka.

Isku soo wada xoori o haddii caawa shidaalku celcelis ahaan Soomaaliya ka marayo $250 iyo hayaay fuustadii, waaba haddii la heli karo e, aysana jiri doonin Bajaj danbe oo biilka reerka laga soo saaro, kursi Xasan ku dagaalaa muxuu Soomaali tari doonaa, haddiiba aan la haysan wax la cuno iyo biyo la cabbo?

Haddaba maxaa hoggaanka Soomaalida u diiday in ay indhaha furaan oo arkaan waxa maanta ammuur wada horyaal?

Nala qaybso fiiradaada iyo falceliskaagaba.

> Daljir Media

COMMENTS

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com