Maraykanka oo Soo Celinaya Xiriirkii Diblumaasiyadeed ee Soomaaliya.

Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya, Stephen Schwartz ayaa sheegay in Mareykanka uu markale hawlgal diblomaasiyeed oo rasmi ah ku yeelan doono Soomaaliya, marka ay Muqdisho ka furtaan xafiisyo dhammaadka sanadkan.

Danjiraha dalka Maraykanka ee Soomaaliya Stephen Schwartz ayaa sheegay in xarunta cusub ee Mareykanka ee Muqdisho la furi doono bisha October ee sanadkan.

Xoghayihii hore ee arrimaha dibadda Mareykanka, John Kerry ayaa booqasho uu sanadkii 2015-ka ku tagey Muqdisho ku sheegay in Mareykanka uu bilaabi doono dib u aas aasidda joogitaankii diblomaasiyeed ee Mareykanka uu ku lahaa Soomaaliya.

Safaaraddii Mareykanka ee Soomaaliya ayaa waxaa la xiray sanadkii 1991-kii, markii dagaallada sokeeye ay ka qarxeen dalka.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com