Maamulka Koonfur Galbeed oo Soo Dhoweeyey In Liiska Argagixsada Laga Saaro Sh Mukhtaar Roobow

Maamulka Koonfur Galbeed oo Soo Dhoweeyey In Liiska Argagixsada Laga Saaro Sh Mukhtaar Roobow

Maamul goboleedka Koonfur Galbeed Soomaliya ayaa soo dhaweeyay tallaabadda Dowladda Mareykanka ay qaaday ee ku aadan in laga saaray Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur  liiska argagaxisada.

Wasiirka warfaafinta ee Koonfur Galbeed Mudane Xasan Cabdi Maxamed oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay soo dhaweynayaan go’aanka dowladda Mareykanka  ee loogu saaray liiska Argagaxisada Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur  oo deegaan ahaan kasoo jeeda Koonfur Galbeed Soomaliya.

Xasan Cabdi Maxamed ayaa sheegay in Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur  uu yahay shaqsi dhex-dhaaxd islamarkaana jecel dalkiisa iyo dadkiisa balse ay marin habaabiyeen hogaamiyayaasha sare iyo Xarakada Al-shabaab.

“Qoraalka ku aadan in Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur   laga saaray liiska Argagaxisada, waxaan ku araknay baraha bulshada, dabagal ayaan ku saameenay waxaa noo cadaadatay in liiska Argagaxisada, laga saaray, runtii Roobow wax dhibaato ah oo haatan la sheegi karo kuma haynin deeganada Maamulka koonfur Galbeed soomaliya, waa shaqsi aad u jecel dadkiisa iyo dalkiisa waana soo dhaweynayaa go’aanka dowladda Mareykanka”, ayuu yiri Wasiirka warfaafinta ee Koonfur Galbeed.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com