Maxaa ka soo baxay kulankii dhexmaray Madaxweyne Farmaajo iyo safiirka Talyaaniga.

Muqdisho, Feb 13 2017-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa la kulmay safiirka dowladda Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya Ambassador Carlo  Campalina.

Madaxweynaha J.F.S Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa dhambaal ka guddoomay safiirka dowladda Talyaaniga Ambassador Carlo  Campalina, kaas oo uu ka siday Ra’iisul wasaaraha dalkaasi, madaxweynaha iyo safiirka ayaa iska wareystay xiriirka labada dal oo ah mid taariikhi ah oo muddo dheer soo jiray.

“dowladda Talyaaniga waan uga mahadcelinayaa sida ay u garab taagan tahay shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, waxaan hubaa inaana ilaawi doonin kaalinta mugga leh ee aad ka qaadataan dib u dhiska dalkaan, sidoo kale waxaa uga mahadcelinayaa madaxweynaha  Talyaaniga  Hambalyada uu ii soo diray” ayuu yiri madaxweyne Farmaajo.

Madaxweynaha ayaa dowladda Talyaaniga ka codsaday in ay si dhab ah uga qeyb-qaataan gurmadka ay u baahan yihiin dadka Soomaaliyeed ee ay abaaraha saameeyeen, isagoo si qiiro leh u sheegay in dowladda Talyaaniga looga fadhiyo in ay sida lagu garanayeyba ay sameyso dedaal dheeri ah oo dadka gurmadka u baahan lagu gaarsiinayo waxyaabaha deg degga ah sida cunnada, Biyaha iyo dawooyinka.

“waxyaabaha dowladeeda ugu muhiimsan waxaa ka mid ah amniga iyo dhismaha ciidammada Qaranka,

waxaan mar kale ka codsanayaa masuuliyiinta sare ee dalka Talyaaniga in ay gacan buuxdo naga siiyaan tababarrada iyo taakuleynta ay ciidanka Soomaaliyeed u baahan yihiin, dedaal xooggan ayaan u geli doonaa sidii arrinta amniga  iyo dhismaha ciidanku u noqon lahaayeen kuwa hirgala” ayu yiri madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Dhinaca kale Safiirka dowladda Talyaaniga Carlo  Campalina ayaa madaxweynaha cusub u sheegay in uu heysto taageerada shacabka Soomaaliyeed oo middeysan, taasina ay muhiim u tahay dowladda uu soo dhisi doono, waxa uu sheegay in dowladda Talyaaniga ay si ka wanaagsansidii hore  uga caawin doonto dowladdiisa dhinacyada ay ka wada hadleen, lagama maarmaanna ay tahay in laga faa’ideysto awoodda shacabka, waxa uu intaa raaciyey in hoggaaminta madaxweyne Farmaajo ay tahay mid ummadda Soomaaliyeed ay ku kalsoon tahay

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com