Weerarkii ismiidaaminta ahaa ee habeen hore ka dhacay magaalada Bossaso ayaa waxa uu sababay geerida Mujaahid Barkhad Yusuf Burunti. Qaraxa ayaa ay lala beegsaday goob ciidamada ammaanku ku baaraan gaadiidka dadweynaha.
Qaraxaas weerarka ahaa ayaa waxaa si geesinimo leh ugu hortagay, naftiisana ku waayay Marxuun Mujaahid Barkhad Yuusuf Burunti. Barkhad wuxuu ahaa askari ka tirsan ciidamada ilaalada Dekedda Bossaaso, waxaana saraakiishu ku ammaaneen shaqo hufnaan, daacadnimo, iyo asaga oo waligiis shifti kasta iyo saacad kasta shaqadiisa xaadir ku ahaa, kuna shaqeeyey marxalad kasta oo adag, ahaana nin aad u feejigan, si uu u sugo ammaanka dadkiisa iyo dalkiisa.
Barkhad wuxuu naftada waayey asaga oo sugaya ammaanka dadkiisa iyo dalkiisa.
Hadaba maxaad ka taqaan taariikhda Mujaahidka? Barkhad se shaqsi noocee ah buu ahaa? Su’aalahaas iyo kuwo kale waxaan hordhigay taliyaha Dekedda Bossaso, Taliye Maxamed Cali Xaashi.
Wariye Maxamuud Cabdi Ibraahin ayuu u waramay.
FG: Xaaska marxuunka oo hadda uur leh waxa ay u baahantahay taageeradaada ee adna garab-istaag si aad u dhiirigeliso kuwa kale ee har iyo habeen u taagan sugidda amnigaaga. Xaaska Marxuun Barkhad magaceedu waa Baarliin Maxamed Mire, Sahalkuna waa Golis 721.44.78.
Halkan ka dhegayso
COMMENTS
ilaahay ha unaxariisto barkhadle burunti gacan ka xaqdaran baa dishay
Allah naxariistii jano haka waraabiyo barkhad Burundi
illaah haw naxaristo Barkhad Burundi wx uu katagay taarkh maguurto ah wx uu mudan yahay intaalo lodhiso badalkeda si ay askarta kale ay ugudaysadaan
Ilaahay naxaristiisa ayuu maanta ubaahan yahay ilaahay haunaxaristo dadkuu katagayna basal wanaagsan ookakhayr badadan ilaahay hasiiyo
illhw unaxariiso inti ku dhimatey amin
Waa in loo hiishe
allaha unaxaristo marxumka askariga wa midka kaliya e ku huraya naftisa ad bn uga naxay janatul fardawsa haka wrabiyo kitabkisana midigta haka siyo eheladi iyo qarabdi u ka dhintayna samir iyo iman allaha kasiyo halaga warqabo
alla hadaay daljir
Mohamed Yusuf Tigey
Aawey Dowladiina ??
Allah unaxariisto
Ilaahow unaxariiso
Sakariye Maxamed Isticmaar ninkaas barnaamij kiisa ka qayb qaaado. Adaaa madaxdii bari ahe intad taqaan gaarsii.