Maxaad ka Taqaan Mujaahid Barkhad Yuusuf Burunti, Askarigii ku Dhintay Qaraxii Bossaso?

Maxaad ka Taqaan Mujaahid Barkhad Yuusuf Burunti, Askarigii ku Dhintay Qaraxii Bossaso?

Weerarkii ismiidaaminta ahaa ee habeen hore ka dhacay magaalada Bossaso ayaa waxa uu sababay geerida Mujaahid Barkhad Yusuf Burunti. Qaraxa ayaa ay lala beegsaday goob ciidamada ammaanku ku baaraan gaadiidka dadweynaha.

Qaraxaas weerarka ahaa ayaa waxaa si geesinimo leh ugu hortagay, naftiisana ku waayay Marxuun Mujaahid Barkhad Yuusuf Burunti. Barkhad wuxuu ahaa askari ka tirsan ciidamada ilaalada Dekedda Bossaaso, waxaana saraakiishu ku ammaaneen shaqo hufnaan, daacadnimo, iyo asaga oo waligiis shifti kasta iyo saacad kasta shaqadiisa xaadir ku ahaa, kuna shaqeeyey marxalad kasta oo adag, ahaana nin aad u feejigan, si uu u sugo ammaanka dadkiisa iyo dalkiisa.

Barkhad wuxuu naftada waayey asaga oo sugaya ammaanka dadkiisa iyo dalkiisa.

Hadaba maxaad ka taqaan taariikhda Mujaahidka? Barkhad se shaqsi noocee ah buu ahaa? Su’aalahaas iyo kuwo kale waxaan hordhigay taliyaha Dekedda Bossaso, Taliye Maxamed Cali Xaashi.

Wariye Maxamuud Cabdi Ibraahin ayuu u waramay.

FG: Xaaska marxuunka oo hadda uur leh waxa ay u baahantahay taageeradaada ee adna garab-istaag si aad u dhiirigeliso kuwa kale ee har iyo habeen u taagan sugidda amnigaaga. Xaaska Marxuun Barkhad magaceedu waa Baarliin Maxamed Mire, Sahalkuna waa Golis 721.44.78.

Halkan ka dhegayso

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 13
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com