P&O Ports waa Tuma, Yaa se leh? Warbixin Kooban

P&O Ports waa Tuma, Yaa se leh? Warbixin Kooban

Bossaso – Maanta waxaa heshiis 30 sano ah wada saxiixay shirkadda P&O Ports iyo Dawladda Puntland. Dhanka Imaaraatka heshiiska waxaa u saxiixay Guddoomiyaha Dekedaha iyo Shirkadda Suuqa-furan (PCFC) ee Dawladda Dubai (Government of Dubai) ee Trakhees, Suldaan bin Sulayman. Hay’adda Trakhees waxay hoostagtaa Dawladda Dubai, waxayna masuul ka tahay shuruucda iyo meelmarinta qorshayaasha Dawladda Dubai ee dhanka dekedaha, kastamada, shuruucda ganacsiga iyo dhammaan laysan bixinta Dubai iyo qorshayaasha suuqa-furan ee ganacsiga (http://trakhees.ae/en/Pages/organization-structure.aspx).

Trakhees waxay ka koobantahay afar qaybood: 1) Qaybta sifil injineerinka; 2) qaybta laysinka; 3) Qaybta Ilaalinta deegaanka, caafimaadka iyo daryeelka guud; 4) Maamul wanaajinta shirkadaha ganacsi ee Dubai.

Dawladda Dubai iyo hay’adeeda Trakhees ama PCFC waxay 29kii Janaayo 2015  abuureen shirkad la yiraahdo P&O Ports oo xarunteedu tahay Dubai. P&O Ports sida ku cad warbixinada webka shirkadda waxay illaa iyo hadda maamushaa ama heshiisyo maamul dekedo la gashay Dawladda Madagaskar, Dekadda Berbera ee Somaliland, iyo dakad kale oo ku taal dalka Albaaniya. Waxaan casriyayn doonna dekedahaas, sidaas waxaa yiri Guddoomiyaha P&O Ports, Suldaan bin Sulayman.

Sida ku cad warbixinta shirkadana, P&O Ports waa kambani cusub oo dawli ah, si gaar ahna ugu tababaran dhisidda iyo hagaajinta dekedaha dalalka soo kabanaya, baahina u qaba dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha. Warbixinada P&O Ports waxaa kale oo ka mid ah in ay la wareegaan oo maamulaan dekedaha yaryar ee aan shirkadaha waaweyni dan ka lahayn oo aan wax faa’iido ah ku soo biirin karin dhankooda faa’iidoonka dhow.

Guddoomiyaha P&O Ports, Suldaan bin Sulaymaan, waa isla Guddoomiyaha shirkadda DP World, ahna shirkadda afraad ee ugu weyn adduunka, lehna 65 tarminaal oo ku kala yaal lix qaaradood.

Sida ay qortay P&O Ports, “Dawladda Dubai aasaaska ay aasaastay shirkadda P&O Ports waxay qayb ka tahay ganacsiga Dubai ee daafaha dunida iyo maalgashigeeda dekedaha adduunka, mid yar iyo mid weynba.” Faahfaahinta ka dheeho mareegtada shirkadda: http://www.poports.com/media/pcfc-launches-po-ports

Illaa iyo aasaaskii shirkadda P&O Ports ee sannadkii 2015, heshiiskaan Dekedda Bossaso waa kii afraad ee ay shirkaddu Dawladda Dubai u soo xerogaliso, waxaana ka horreeyey kan Dekedda Berbera, oo ay ka sii horreeyeen kuwa Madagaskar iyo Albaaniya.

Masawiro: Heshiiskii maanta 6 April 2017, ee PCFCP/P&O Ports iyo Dawladda Puntland

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com