Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Gaarey Magaalada Doxa (sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Gaarey Magaalada Doxa (sawirro)

Ra’isul wasaaraha DFS Xasan Cali Kheyre ayaa gaaray magaaladda Doxa ee dalka Qatar halkaas oo ay kusoo dhaweeyeen boqortooyada dalkaas.

Wafdiga madaxweynaha ayaa utagay dalka QATAR iney ka qeyb galaan Shir labo maalin ka socon doona dalkaas, waxaana sidoo kale ay la kulmi doonaan madax katirsan wadamada carabta.

Ra’iisul Wasaare Kheyre oo ay safarkiisa ku wehliyaan xubno ka tirsan Golihiisa Wasiirada, ayaa shirka magaaladda Doha ka sheegi doona xaaladda Soomaaliya iyo taageerada ay uga baahan yihiin dalka QATAR iyo dalalka kale ee Carabta.

Si kastaba, Ra’isul wasaare Kheyre ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Doha, waxaana soo dhaweyntiisa ka qeybqaatay Mas’uuliyiin dhowr ah oo ka tirsan Xukuumada Doha.

Waxaa shirka ka qeyb galaya wafuud ka socota dalal badan, siyaasiyiin iyo marti sharaf kale oo shirka lagu casumay.

Waa safarkii koobaad ee RW Kheyre uu dibadda ku aado, waxaana markii labaad ee ay dowladu muujiso sida ay udooneyso iney saaxiib ka dhigato wadamada Carabta maadaama Madaxweyne Farmaajo uu safaro waa weyn ku tagay dalalka Sacuudiga, Kuwiet iyo imnaaraadka.

SAWIRRO

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com