W/Q:Siyaasi Sahro Cismaan Yusuf
Anigoo ku hadlaya magacayga iyo midka bulshada reer Puntland ee jecel samaha, hormarka, nabadda iyo midnimada dawladeed iyo ciidan ee Puntland, waxaana bogaadinayaa dadaalkii iyo doorkii lama illaawaanka ahaa ee uu ciyaaray madaxweynihii hore ee Puntland Senator Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud faroole, doorkaasi oo horay u dhigayey dawladnimada Puntland iyo danahooda dhaxal-gal.
Waxay ahayd tallaabo xilli ku habboon ku soo beegantahay in ciidamadii fadhigoodu ahaa xerada Ligle dib looga mid dhigo ciidamada difaaca Puntland, lana xalliyo khilaafkii iyo diidmooyinkii muddada dheer soo-jiitamayey, khilaafkaasi oo ahaa mid gacan ku samays ah oo uu curiyey madaxweynaha muddo xileedkiisa sharci dhammaaday ee Soomaaliya Xasan Sh Maxamuud, si dawladda Puntland iyo dadkeeda la iskaga horkeeno.
Waa aragti dheer iyo fikir wanaagsan oo ka xeelad durugsan damacii Xasan Sh Mxamuud, fikirkaasi oo xididada u siibay ujeedooyinkii gurracnaa ee looga gollahaa sheegashada beenta ah ee tilmaamaysay samaynta ciidamo federaal ah gudaha Puntland, taasoo meesha ka baxday si nabaddoon, loogana gudbay midnimo, wadajir amni iyo difaac.
Senator Cabdiraxmaan Faroole, oo horay kaalin muuqata ugu lahaa golaha uu ka tirsan yahay ee aqalka sare ee Soomaaliya, kana difaacayey danaha dadka iyo dawladnimada Puntland, maantana wuxuu muujiyey muggiisa iyo miisaankiisa wax-gal iyo sida ay uga go’an tahay illaalinta dawladnimada iyo midnimada dadkeedana, waana ku ammaananyahay taas.
Ma illaawi doonno, waana noo kala suntanaandoonaan, taariikhduna waa xusi doontaa madaxda iyo masuuliyiinta kala duwan ee nagu matasha hay’adaha dawladda federaalka, kuwaada gartay wixii loo idmaday, kana soo dhalaalay af iyo addinba iyo kuwooda ka gaabiyey magac iyo masuuliyad wixii loo xilsaaray.
Allaa Mahadleh.


COMMENTS