Duqa Galkacyo Xuseen Cabdinuur oo xannibaad dhaqdhaqaaq la kulmay

Duqa Galkacyo Xuseen Cabdinuur oo xannibaad dhaqdhaqaaq la kulmay

Sida ay Daljir u xaqiijiyeen xildhibaanno golaha deegaanka ee degmada Galkacyo ee Puntland, duqa Galkacyo Xuseen Cabdinuur Dambalaas ayaa xanibaad dhaqdhaqaaq oo gurigiisa ah la kulmay taasoo uga timid illaaladiisa ciidan, kadib markii ay u jidwaayeen tabasho is gaargaartay oo dhinaca xuquuqdooda ah iyo mushaaraadka ah.

Xildhibaannada ayaa Daljir u sheegay xannibaadda duqa ee xagga illaaladiisa ciidan in ay ahayd mid muddo ififaalaheedu soo muuqday, kadib markii duqa ahna guddoomiyaha golaha deegaanka uu ka gaabiyey masuuliyadihiisii maamul iyo kuwii maaliyadeed, taasina ay abuurtay caro iyo tabasho qab ciidan iyo shaqaalaba.

Ilo-wareeddo kale, ayaa iyana isla Daljir u xaqiijiyey arrinkaasi xanibaadda duqa in mar dambe oo isla maanta ah si uun loo maareeyey, inkastoo aan naloo sheegin tabashadooda xuquudeed in loo fuliyey iyo in kale.

Xildhibaannada golaha deegaanka ee degmada Galkacyo ee Puntland, waxaa kale oo ay Daljir u xaqiijiyeen in uu socda qorshe mudanayaasha golaha deegaanku ay ku dalbanayaan fadhi gole oo degdeg ah, si loo soo hormarsiiyo fadhiga oo horay ugu muddaysnaa bisha Decemer ee sannadkaan 2026.

Muddadii uu guddoomiyaha Galkacyo ahaa Xuseen Cabdinuur Dambalaas, oo ah sannad bil dhimman, waxaa aad isku soo tarayey tabashooyinka iyo dhaliilaha loo jeedinayo duqa iyo hoggaamintiisa maamul, iyadoo dhawr jeer shaqaale iyo ciidamaba gadoodeen sababo la xiriira helidda xuquuqdooda shaqaale iyo mushaarba.

Diiwaanka Daljir Media.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com