Shaqaalaha Madaxtooyada Puntland Oo Lacag Ku Wareejiyey Gudiga Gurmadka Abaaraha.

HomeWararka

Shaqaalaha Madaxtooyada Puntland Oo Lacag Ku Wareejiyey Gudiga Gurmadka Abaaraha.

Qadar lacageed oo ay ka jareen mushaharkooda shaqaalaha Madaxtooyada Garoowe ayaa waxa ay Maanta 29, March, 2017 ku wareejiyeen xubin kamida gudiga ta

Aqoonyahan Dr. Ali Darwiish oo aan ka waraysanay xaaladda gobalka Sool
Xulashada Daljir & Jaamac C/raxmaan , Daljir Garoowe (dhegayso)
HADAL JEEDINTII DUQA DEGMADA BOOSAASO EE SOO DHOWEYNTII MADAXWEYNE DENI (DAAWO)

Qadar lacageed oo ay ka jareen mushaharkooda shaqaalaha Madaxtooyada Garoowe ayaa waxa ay Maanta 29, March, 2017 ku wareejiyeen xubin kamida gudiga taakulaynta Abaarha Puntland.

Agaasimaha shaqada iyo shaqaalaha ee Madaxtooyada Dawladda Puntland Ciise Maxamuud Cumar iyo xisaabiyaha Madaxtooyada Idil Saciid Faarax ayaa lacagtaasi ku wareejiyey Shiikh Cabdiqani Qorane oo kamida gudiga taakulaynta Abaaraha Puntland.

Qadarka lacageed ayaa dhammayd 15,500,000 oo shilin Soomali ah taas oo ay ugu tala galeen inay kaga qayb qataan gurmadka loo fidinaayo dadka Abaaruhu sameeyeen ee ku dhaqan deegaanada Puntland, taas oo ay u garteen inay uga reebaan mushaharkooda, si loogu samatabixiyo walaalahooda tabaalaysan.

Taakulaynta lacageed ayaa ah mid laga dheehankaro dadka Soomaliyeed inay markasta u heelan yihiin inay u gargaaraan kooda dhibaataysan, ha ahaato waxa ugu yar ama waxa ugu badan ee qof bini aadan ah lasiinkaro looguna gargaari karo.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: