Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ka haddlay duqeynti doolow.

Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ka haddlay duqeynti doolow.

Waxaan si adag u cambaaraynayaa weerarka diyaaradda aan duuliyaha lahayn ee lagu qaaday hoyga General Mahad C/raxmaan, Taliyihii hore ee Ciidanka Asluubta. Waa tallaabo halis ah oo dhaawacaysa nabadda, dowlad-dhiska, is-aaminaadda bulshada iyo kalsoonida lagu qabi karo dawladda.

Xasan Sheekh xilkii ayuu ka qaaday General Mahad, wuu xiray isagoo lala xiriirinaya qaraabannimada uu la leeyahay Madaxweynihii Koonfur Galbeed, maantana hoygiisa ayuu drone ku weeraray. Waa sawirka ugu cad ee laga bixin karo awooddii dawladda oo aargoosi siyaasadeed loo adeegsado.

Waxaa ka sii daran in hubka, drone-ka iyo taageeradii caalamiga ahayd ee Soomaaliya loogu fidiyey la-dagaallanka Al-Shabaab uu Xasan Sheekh u adeegsanayo khilaafaadka siyaasadda gudaha. Soomaaliya qiime aad u wayn ayey ugu soo kacday awood dawladeed oo rabitaanka shakhsi loogu adeego si uu inta kale ugu awood maquuniyo.

Weerarkan lagu qaaday Taliye Mahad, horayna loogu qaaday siyaasiyiin iyo odayaal dhaqameed reer Muqdisho ah, ma muujinayo awood ee wuxuu muujinayaa quus, qayrul-masuulnimo iyo fashil siyaasadeed.

Xasan Sheekh wuxuu Soomaalida iyo beesha caalamkaba u caddeeyey karti-xumadiisa iyo masuuliyad darida aanan loogu aamini karin doorasho federaal ah, mar haddii khilaafkii ka dhashay doorashada Koonfur Galbeed, oo uu xoog iyo awood ciidan u adeegsaday, uu xal siyaasadeed uga dhigayo drone iyo duqayn.

Saaxiibbada caalamkuna ma aha inay ka aamusaan in hubkii, sirdoonkii iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Soomaaliya looga taageerayey la-dagaallanka argagixisada loo adeegsado weerar iyo cabburin siyaasadeed oo gudaha ah.

Taageeridda Soomaaliya ma aha taageeridda qofka Villa Soomaaliya fadhiya ee muddo xileedkiisu dhammaaday.

Haddii uu maanta drone ku xalliyo khilaafka siyaasadeed ee Koonfur Galbeed, muxuu ku xallin doonaa khilaafka doorashada federaalka ah ee masiirkiisa ku xiran yahay?

COMMENTS

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com