Waxaa sidaasi sheegay Danjirihii hore ee Mareykanka u fadhiyay dalka Itoobiya David Shinn oo wax badan kala socday aqoonsi raadinta Somaliland ee Mareykanka iyo riixada Yhda.
Danjire David ayaa sheegay in fursadda Somaliland ay Washington uga heli karto aqoonsi ay sii yaraanayso.
“Waxaan u maleynayay kaddib aqoonsigii Israa’iil ee Somaliland in aqoonsiga Mareykanka uu aad ugu dhowyahay iyaga, laakiin taasi ma dhicin. Hadda waxaan aaminsanahay in fursaddii ay dhaaftay Somaliland,” ayuu yidhi Danjire David.
Dowladda Mareykanka ayaa horay u sheegtay inay ixtiraameyso midnimada iyo madaxbannaanida dhuleed ee Soomaaliya iyaga oo caawimada iyo lacagaha kaalmada ah ee lagu taageero Somaliland u sii marisa dowladda Federaalka Soomaaliya.
Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro ayaa wali ku sugan Mareykanka dadaalna ugu jira inuu la kulmo Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump. Yhda oo riixaysa Cabdiraxmaan Cirro ayaa ku dadaaleysa inay u geeyaan Trump.
> Daljir Media, Mohamed Koronto


COMMENTS