Taliska Booliska Puntland: Waa la Burburinayaa Argagixisada al-Shabaab iyo Daacish (dhegayso)

Taliska Booliska Puntland: Waa la Burburinayaa Argagixisada al-Shabaab iyo Daacish (dhegayso)

Taliska guud ee ciidanka Booliska Puntland ayaa faahfaahin ka bixiyey xiriir dhexmaray booliska Puntland iyo booliska maamulka Koonfur Galbeed oo salka ku hayey shabakad katirsan Daacish oo ku sugnayd duleedka magalada Boosaaso.

Taliye ku-xigeenka ahna ku-simaha taliyaha ciidana booliska Puntland Bile oo waraysi siiyey Daljir ayaa sheegay inuu khadka taleefanka kula soo hadlay taliyaha ciidanka booliska gobolka Baay, kuna wargeliyey inay jiraan 10 kamid ah malayshiyaadka Daacish oo doonaya inay isa soo dhiibaan.

Dhanka kalena taliyaha ayaa waxa uu ka warbixiyey safar kooban oo uu Puntland shalay kuyimid taliye ku-xigeenka ciidanka booliska Soomaaliya iyo wafti la socdey oo caddaan ah.

DHEGAYSO

 

Faallee ama ka falceli mowduuca kore oo ku guulayso $1 Golis prepaid ah.

Qaybta hoose ee faallooyinka iyo falceliska ku qor magacaaga iyo moobilkaaga Golis, ama email wata magacaaga oo buuxa iyo moobilkaaga noogu soo hagaaji: [email protected]

FAALLOOYIN

Website 1
  • Was LA ogyahay wiilashaas inaysan organ waxa loo qariyay balse cadaalad Allaah agtiisa ayaytaalaa