7 Qof oo Macaluul ugu Geeriyooday Gobolka Saraar Somaliland

Abaarta  baahsan ee ka jirta Soomaaliya ayaa saamayn xooggan ku yeelatay dadka iyo duunyada, siiba Soomaaliya oo ah waddan muddo rubac qarni ah ka marnaa hannaan dawladeed oo buuxa.

Dad iyo duunyo badan ayay abaarta iyo biyo la’aanta oo ah kuwo dabadheeraaday ay galaafteen, waxaana sidoo kale laga sii dayrinayaa xaalada nololeed iyo kuwo caafimaad ee haatan ay ku suganyihiin dadka ku dhaqan dhulka ay abaaruhu ku dhunteen, aadna u halakeeyeen.

Somaliland ayaa ka mid ah meelaha sida weyn abaarta iyo biyo la’aantu u saameeyeen, waxaana jira dad 48-dii saac ee ugu dambeeyey u dhintay macaluul darteed deegaanno ka mid Somaliland, dadkaasi oo tiro ahaan gaarayaa 7 ruux, iskuna jira carruur iyo dad waaweyn sida ay Radio Daljir u xaqiijiyeen dad ku dhaqan deegaannada geeridu ka dhacday ee gobolka Saraar.

Ismaaciil Siciid Cali, waa oday ka mid ah xoola dhaqatada deegaannada Somaliland siiba gobolka Saraar oo ah gobolka ay ka dhaceen dhacdooyinkii ugu dambeeyey oo dad macaluul u dhinta ah, waxaana uu Daljir u sheegay in ka badan 400 oo neef oo ari ah in ay abaarta uga baxeen.

Cabdifataax Cumar Geeddi oo ka tirsan Daljir ayaa Ismaaciil Siciid Cali kula kulmay degmada OOG, kana wareysay arrimaha abaarta iyo saamayntooda.


Posted

in

,

by

Tags:

Comments

2 responses to “7 Qof oo Macaluul ugu Geeriyooday Gobolka Saraar Somaliland”

  1. fuaad maxamed faarax

    waan kaxu mahay ilaaxad habar jeclo haku sheegine soomaali beey ahaayeen weey inaga wada baxeen

  2. Lamayaqaan

    Habar.jeclo.ayuuhaayeen

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com