TRUMP OO FASHILAY KHIYAANADII CARABTA KHALIIJKA QARKANA U SAARAN IN UU DAGAALKA UGA BAXO
Guusha Iran, isbaddalka Bariga Dhexe, kan adduunka iyo aayaha amiirada Carabta
Soo laabashadii Trump ku soo laabtay xukunka Mareykanka wuxuu saameyn aad u weyn ku yeeshay amiirada Khaliijka Carabta, amiir kastana waxa uu geed dheer iyo mid gaaban u fuulay in uu muujiyo xiriirka adag ee ka dhexeeya dalkiisa iyo Mareykanka. Waxay noqdeen mid diyaarad raaxo siiyo iyo kuwa ku faana sida ay tirilyino USD u maalgashanayaan Mareykanka. Laakiin Trump waxaa xukunka uga horreeyey Biden. Haddaba waxaa xusid mudan in Biden iyo amiirada Carabtu aysan isku fikir ka ahayn xaalka Bariga Dhexe. Meesha Biden ka rabay in wax walba ahaadaan sidii hore, lana sii wado siyaasaddii Baraak Obama ee ahayd in Iran xiriir macquul ah lala yeesho, Carabtu waxay rabtay in Iran gabi ahaanba la burburiyo si lamid ah Suuriya, loona jarjaro ugu yaraan dhowr dal. Waxay ahayd siyaasad ay kala mideysnaayeen Yhda. Biden waa uu diiday soojeedinta Carabta iyo Israal oo siyaasaddaas waxa uu u arkay mid khatar ku ah siyaasadda Mareykanka ee gobolka.
Carabta oo waa’ ku beryey waxa ay bilaabeen in ay Shiinaha la xiriiraan ayna ka dhaadhiciyaan in Shiinuhu dhexdhexaadiyo ayaga iyo Iran. Shiinuhu waa aqbalay waxaana dhacay heshiiskii taariikhiga ahaa ee u dhexeeyey Sucuudiga iyo Iran. Waxaa bilowday waji cusub iyo rajo weyn oo ahayd in Sucuudiga oo hoggaan u ah dunida Islaamka uu bilaabay in uu Muslimiinta mideeyo.
Heshiis Iran iyo Carabta kabacdi waxaa la galay doorashadii Mareykanka. Biden ma uu soo noqon, waxaana la doortay Trump. Waa isla Trump-kii aad u necbaa Iran oo maalin cad gegida diyaaradaha Baqdaad ku dilay General Suleimani oo ahaa Jananka loogu jecelyahay Iran, ahaana Janankii IS’IS ka saaray Ciraaq, abuurnayna siyaasadda Iran ee ah in xoog looga hortago qorshaha Mareykanka iyo Yhda asaga oo bilaabay in uu hubeeyo Xisbiga Alle ee Lubnaan, Xuutyiinta Yaman, iyo waliba Xa’maas iyo dagaalyahanada Falastiin.
Amiirada Khaliijka oo kaashanaya Netanyahu waxay isla markiiba bilaabeen in ay laaluushaan Trump, kana dhaadhiciyaan in heshiiskii Iran lala galay uusan wax micno ah lahayn, ayna diyaar u yihiin in ay abuuraan Iran cusub.
Trump iyo Mareykanka oo laga dhaadhiciyey in Iran aysan wax tabar ah lahayn, haddii Ayatollah la dilana ay dhulka ku kala daadan doonto, waxa uu durba bilaabay fulinta qorshihii Netanyahu iyo Amiirada Carabta. Iran oo 40 sano u diyaargaroobaysay duullaanka Mareykanka, wax badanna ka baratay duullaankii sannadkii 2001 ee Mareykanku uu ku qaaday Ciraaq waxay diyaar u ahayd duullaanka Ameerika.
Idinku daalin mayno qorshaha dagaalka, laakiin waxa aan maanta caad saarneyn in Iran ay ka adkaatay Mareykanka, Yhda iyo xulufadiisa Khaliijka Carabta. Saas oo ay tahay, sida ay qorayaan wargeysyada Mareykanku, Trump oo ugu danbeyn fahmay in aysan Iran weli wadahadal diyaar u ahayn wuxuu diyaar u yahay in uu dagaalka ka dhaqaaqo, wuxuuna shalaydan sheegay in xiritaank Marinka Hormuus uusan ahayn hawl isaga u taal ee uu yahay mid u taal Carabta iyo Yurub.
Carabtii Khaliijka oo maanta dhaqaale burbur qarka u saaran, sida ay qorayaan wargeysyada Mareykanku, waxay weli la soo taaganyihiin “ha la burburiyo Iran,” haddii kale Iran baa noo talin doonta, haddii ay noo talisana xukunka ma sii joogi doono, marka yaan innaba la joojin dagaalka.
Laakiin Trump waa uu burburin waayey Iran, Mareykankuna wuxuu qarka u saaranyahay dhaqaale burbur haddii uu dagaalka sii wado. Khayaanadii Carabtuna hadda bannaanka ayey timid, Ruush iyo Shiine danbe oo dhexdhexaadin doonaana ma jiro, waxaana maanta haysta laba kala daran mid dooro: dagaalka sii wad oo burbur; ama jooji oo shacabkaagu xukunka ha kaa rido.
Waxaa Carab uga sii dartay hadalkii maalmo kahor ee Trump hawada u mariyey Amiir Maxamed bin Salmaan, kaas oo ahaa “MBS cabsi weyn baa haysa, marka hadda waa in uu dabada iga dhunkadaa.”
Waxaa se uga sii dartay Marinka Hormuus oo awal ahaa mid Iran iyo Carab oo dhan ka dhexeeya maanta se waa mid u gaar ah Iran oo aan la marin karin oggolaansho la’aan.
Carab waxaa isugu darsantay ceeb iyo kii difaaci lahaa oo difaaci waayey, haddaba maxaad maanta Carab kula talin lahayd? Nala qaybso fiiradaada iyo falceliskaagaba.
> Daljir Media
—
La xiriira maqaalka kore


COMMENTS