WAHAABIYADA, SUCUUDIGA & DUCO-LA’AANTII NABIGA (scw) EE NAJD
Maxaad kala socotaa tilmaantii uu Nabi Maxamed (scw) tilmaamay dhulka bartamaha Sucuudiga ee Riyaadh iyo Qasim iyo waxa ka soo bixi doona? Ma ogtahay se in Nabigu sii sheegay Wahaabiyada iyo sida ay Muslimka u gaalaysiin doonaan?
Nabiga ﷺ oo u duceyna Yaman iyo Shaam ayaa waxaa la weydiiyey ‘sababta uusan deegaanka Najd ducada ugu darin.’ Nabiga ﷺ oo su’aasha ka jawaabaya wuxuu u sheegay in Najd ay ka soo bixi doonaan fitnooyin iyo dhibaatooyin lid ku ah diinta Islaamka, dadka fitnadaas wadaana ay yihiin kuwo Islaamnimo sheegaya.
Nabiga ayaa ku sii daray in xilliyada danbe ee dunida Najd ay tahay meesha ‘geeska shaydaanku’ ka soo bixi doono.
Haddaba maxaa ka soo baxay deegaanka Najd ee bartamaha, ahna buuraleyda Sucuudiga ee magaalooyinka Riyaadh iyo Qasim?
Najd waa meelaha ugu dhib badan Sucuudiga, ha ahaato dagaalo qabiil ama fitnooyinka diinta Islaamka ka dhanka ah. Waa meesha uu ku dhashay Maxamed ibnu Cabdalwahaab, kana asaasay Wahaabiyada. Waa meesha maantadan xarun u ah Wahaabiyada iyo jaamacadahooda Riyadh iyo Qasim oo Soomaali badan oo Wahaabiyo ah ay wax ka soo barteen, badi wixii Sucuudiga diin u doontaana ay wax ka bartaan. Jaamacadda Imam Muhammad ibn Saud Islamic University (IMSIU) ee Riyaadh waa salka Wahaabiyada dunida, wahaabiyaduna waa mabda’a diimeed ee rasmiga ah ee dawladda Sucuudi Carabiya.
Wahaabiyadu waa dad mayal adag oo diintooda ku adag, soonka ku adag oo qaarkood ay joogto u soomaan, laakiin waxay aaminsanyihiin in cid aan ayaga ahayn aysan diinta Islaamka haysan, ayna bannaantahay in diinta laga saaro, lana laayo. Waana sababta Nabigu u sheegay fitnada ka soo socota Najd.
Waa kan Xaddiiska oo Saxiix Bukhaari ah:
اللهم بارك لنا في شامنا، اللهم بارك لنا في يمننا.
قالوا: وفي نجدنا يا رسول الله؟
قال: هناك الزلازل والفتن، وبها يطلع قرن الشيطان.
Haddaba saameyn intee le’eg bay maanta Najd ku yeelatay dunida iyo diinta Islaamka? Haddii aan soo koobno aragagixiso oo dhan ahna kuwa joogto u daadiya dhiigga Islaamka salkoodu waa Wahaabi, waxa ayna xiriir toos ah la leeyihiin Yuhuuda iyo Mareykanka oo ah labada qolo ee garabka siiya, haatana duullaanka ku haya Iran.
Intaas kaliya ma aha e, Wahaabiyada iyo jaamacadahoodu waxay ku guulaysteen in ay dunida Sunniga ka dhaadhiciyaan in Iraaniyiintu aysan Muslim ahayn. Waxaa kale oo Wahaabiyadu ku guulaysatay in badi waddama Sunniga oo dhan ay hoosgeeyaan Yuhuudda.
Waxaa kale oo ay Wahaabiyadu ku guulaysatay in ay dadka Sunniga, Google illaa AI ka dhaadhiciso in Xaddiskaas uu tilmaamayo Ciraaq oo uusan tilmaameyn Bartamaha Sucuudiga.
Saas oo ay hore isku qarin jireen ugu danbeyn waxaa bannaanka soo wada dhigay duullaanka lagu qaaday Iran, kaas oo sida uu qoray wargeyska Mareykanka ee The New York Times, uu duullaanku ahaa mid ay wada riixayeen Sucuudiga, Qadar, Imaaraadka iyo Yhda.
Haddii duullaankaas lagu guulaysan lahaa oo Iran laga dhigo sida Suuriya, Turkiga ama Masar, ayaa difaac u noqon lahaa dunida Islaamka? Nala qaybso fiiradaada iyo falceliskaagaba.
> Daljir Media


COMMENTS