Wadooyinka Magaalada Kismaayo oo Xiran iyo Ciidamo Lasoo Dhoobay

Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada hoose, ayaa maanta wax dhaq dhaqaaq ah ka jirin inta badan, kadib markii Magaalada lagu soo daadiyay ciidamo aad u badan oo ka tirsan Dowladda Federalka Somaliya.

Wadooyinka ugu muhiimsan Magaalada Kismaayo ayaa Saakay xiran, ciidanka ayaa sugaya ammaanka Magaalada, maadaama Magaalada uu ku sii jeedo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C.laahi Maxamed (Farmaajo).

Gaadiidka gaashaman ee ciidamada Kenya ayaa lagu jaray wadooyinka waaweyn ee Magaalada Kismaayo, halka ciidamada Jubbaland lageeyay xaafaddaha Magaalada.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com