Warbixin Weerarkii Af Urur: Ma laga Il Horeeyey Ciidamada Puntland Mise …?

Warbixin Weerarkii Af Urur: Ma laga Il Horeeyey Ciidamada Puntland Mise …?

Siddeeddii bishaan aynu ku jirno ee Juun ee sannadkaan 2017 ayay ahayd markii la weeraray xarun ciidamada daraawiishta ee Puntland ay ku lahaayeen tuulada Af Urur oo ka tirsan gobolka Bari, kana mid ah deegaannada ku yaalla kabaabiga buuraleyda Galgala oo muddo dheer ay ku dhuumaalaysanayeen Alshabaabta ka dagaallanta Puntland.

Weerarkaasi oo ahaa mid gaadmo ah, lagana il horreeyey ciidamada Puntland sida la rumaysanyahay, ayaa dhaliyey khasaare dhimasho iyo mid dhaawac, waxaana Alshabaab ay sheegatay masuuliyaddiisa iyo in ay ku dishay in ka badan 50 ciidanka dawladda, halka Puntland na ay beenisay tiradaasi, baddelkeedana ay sheegtay in ciidamadeedu iska difaaceen weerarkaasi, kuna dileen 25 Alshabaab ah.

Ka sokow Puntland in ay beenisay sheegashada Alshabaab ee khasaaraha, dhankeeda weli si rasmi ah uma caddayn Puntland khasaaraha dhimasho iyo mid dhaawac ee weerarkaasi Alshabaab ee Af Urur uu sababay, soona gaaray askarteeda iyo dadka shacabka ahba.

Markii uu dhacay weerarka Af Urur, lana soo wariyey khasaaraha uu dhaliyey, durba waxaa soo baxay warar sheegaya suuragalnimada dabac ka jiray rugta ciidan ee la weeraray iyo sahashayna raad helka Alshabaab, taasoo haddii ay dhabawdo noqon karta boog danqasho dhaw. Mase ahan wax la qariibsado dhicitaanka weeraro noocan oo kale ah, horay ayayna uga dhaceenn Soomaaliya, waddamada dariska iyo dalal kale oo adduunka ah.

Warbixintaan  hoose ayuuna  Radio Daljir ka diyaarshay weerarkaas Af Urur, waxaana soo jeedinaya Xasan Heykal.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com