HomeWararka

Wasiir Beyle: “Soomaaliya waxay u Baahantahay Isbedel Lacageed”

Wasiirka Wasaarada Maaliyada Xukuumada Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Baylee ayaa Maanta Magaalada Muqdisho ka furay Shir loogu hadlayo Mideynta Cans

Ciidamadda dowladda oo degaano kala wareegay Alshabaab
Warka Fiidnimo, Ayaanle Cabdulaahi Jaamac, Daljir Caabudwaaq (dhegayso)
TALIYAHA QEYBTA BOOLIS GOBOLKA BARI MUXUU KU AMAANEY DHALANYARADA GOBOLKAASI?

Wasiirka Wasaarada Maaliyada Xukuumada Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Baylee ayaa Maanta Magaalada Muqdisho ka furay Shir loogu hadlayo Mideynta Canshuuraha iyo Kobcinta Dhaqaalaha Dalka.

 

Shirka ayaa sidoo kale ujeedkiisu yahay sidii ay wada shaqeyn dhab ah u dhex mari lahayd Wasaarada Maaliyada ee Xukuumada Soomaaliya iyo Wasaaradaha Maaliyada ee Maamul goboleedyada Dalka ka jira.

Sidoo kale shirka ayaa waxaa loogu hadlaya sidii sare loogu qaadi lahaa Dhaqaalaha Dalka isla markaana Dowladda Federaalka iyo Maamul goboleedyada ay si wadajir ah ugu shaqeyn lahaayeen Hormarinta dhaqaalaha Dalka.

Wasiirka Wasaarada Maaliyada Xukuumada Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Baylee oo Shirka furay ayaa ka warbixiyay Halka uu marayo dhaqaalaha Dalka iyo meelaha ay Dowladda ka hesho dhaqaalaha.

Sidoo kale Wasiirka Wasaarada Maaliyada Xukuumada Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Baylee ayaa sheegay in inta shirkaan uu socdo laga doonayo Wasiirada Maaliyada ee Maamul goboleedyada iney soo gudbiyaan fikradaha lagu hormarin karo dhaqaalaha Dalka.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: