Wasiir Qarjab oo soo saaray go’aan adag oo lagu soo rogay dhammaan mas’uuliyiinta degmooyinka PL
1.Guddoomiye kasta oo degmo waa inuu guddoomiyaha gobolka ogeysiiyaa fasaxiisa ka hor inta aanu ka bixin degmada uu mas’uulka ka yahay.
2.Masuul kasta oo ka baxa degmada loo xil saaray isaga oo aan haysan fasax rasmi ah oo waafaqsan habraacan, waxaa laga qaadi doonaa tallaabada maamul iyo sharci ee ku habboon.
3. Lama oggola in kalfadhiga golaha degaanka dib loo dhigo laba (2) jeer oo isku xigta, haddii aysan jirin sabab sharci ah oo loo aqbali karo.
4. Degmo kasta oo kalfadhiga golaha degaanka u qabsoomi waayo laba (2) jeer oo isku xigta bila sabab, waxay golahaasi luminayaan xasaanadda.
5. Tallaabo sharciga waafaqsan ayaa laga qaadi doonaa mas’uul kasta oo lagu helo in uu si ula kac ah carqaladeeyay qabsoomidda kalfadhiyada golaha degaanka.


COMMENTS