Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Dugsiga Tababarka Ciidanka ee Xananbuure tababar ugu soo xiray cutubyo ka tirsan Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed.
Munaasabadda ayaa lagu soo bandhigay heerka tababarka iyo diyaar-garowga ciidamadan, kuwaas oo loo diyaariyey gudashada waajibaadkooda qaran iyo ilaalinta amniga dalka.
Tababarka Xananbuure wuxuu qayb ka yahay dadaallada lagu tayeynayo Ciidanka Qaranka, kor loogu qaadayo aqoontooda ciidan, anshaxa iyo xirfadaha ay u baahan yihiin si ay si hufan ugu gutaan waajibaadkooda.


COMMENTS