Ugu yaraan 3 qof ayaa ku dhintay iskahorimaad ku dhexmaray xooladhaqato deegaanka Xananbuuro ee gobolka Mudug.
Gudoomiyaha deegaanka Ballinbusle Maxamed Cali Shire ayaa Radio Daljir u sheegay in iskahorimaadkaas uu dhexmaray “xooladhaqato baadidoon ah oo ka soojeeda Puntland iyo nimanka Galmudug ee mishinada Gaalkacyo ka fuliya.” Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in aysan jirin wax xoola ah oo lagu kala dhacay dhacdadaas.
Subeer Shiikh Cabdi ayuu u waramay.
Dhegayso
COMMENTS
Ascww// ramadaan mubaarik. noole muslim ah baan ahay jecel in nabad iyo jacayl lagu wada noolaado, ma
Fiicna in nacayb iyo hayb nacayb wax la isu yeelo,bal hadii ay dhacdo, hadana, dhacdo, si xad dhaafa. ay soo noq noqoto qofna cement kama samaysna waa noole kula mida… waxaan ku boorinayaa dulmanaha ka jawaab ficilka foosha xun ee gurigaaga lagu hayo qiimi kasta oo ay kugu qaadataba mahadsanidin
waxan aad uga xumahay in uu daato dhiig xaqdaro ah waxana u sheegayaa walaalayaal waad ogtihiin imtixaankii la soomaray oo dad iyo xooloba saamaysay ee alle kacabsada oo u toobadkeena dulmiga dhexdiina ahna iskadhaafa kuna xamdi naqa nicmada eebe idinsiiyey