Xumaantii Sacuudiga oo Gaartay in Geela Qadar Harraad u Le’do

Xumaantii Sacuudiga oo Gaartay in Geela Qadar Harraad u Le’do

Sida ay qortay jariirada Daily Mail ee dalka Ingiriiska, boqollaal geel ah oo Qadariyiintu leeyihiin ayaa harraad iyo gaajo u dhintay markii Sacuudigu ay baadkii iyo biyihii ka goosteen.

Geela Qadar ayaa badanaa la daajiyaa beero ay Sacuudigu leeyihiin oo ku yaal xuduudda labada dal, dhanka Sacuudiga. Laakiin isla markii uu xiriirku labada dal xumaaday ayaa dhammaan geelii Qadar ee daaqi jiray beeraha Sacuudiga xeryaha oodda looga qaaday, laguna sii daayey saxaraha Qadar.

Dadkii geela lahaa waxaa la siiyey hal saac in ay xoolahooda ku soo doontaan.

Waxaa la qiyaasayaa in Sacuudigu uu oodda ka qaaday geel Qadar leedahay oo kor u dhaafay 15,000 halood iyo 10,000 ido ah. Geela 9,000 (sagaal kun) oo kamid waxaa oodda looga qaaday wax ka yar 36 saac xiriirjar kabacdi.

Geellaha magaciisu ku sheegay Xuseen Al-Maari ayaa yiri, “waxaan ka soo laabtay Sacuudiga mise tiro geela oo 100 kor u dhaafaysa oo geelaygii ahi waa dhinteen, boqolaal kale meel aan ku sheego ma aqaan, sidoo kale boqolaal ido ah gacan kuma jiraan.”

Warar laga helay dadka maraya jidka u dhexeeya labada dal waxay sheegeen in ay indhahoodu ku arkeen qaalmo yaryar oo boqolaal kor u dhaafay oo ku bakhtiyey dhinacyada laamiga.

Wararka qaar ayaa iyana leh geel ka badan 150,000 neef ay weli ku jira xeryaha iyo beeraha Sacuudiga, lamana yaqaan xukunka Sacuudigu uu kuwaasna ku ridi doono.

Dawladda Sacuudiga ayaa Dawladda Soomaaliya ku haysa cadaadis ah in ay ku dayato oo soo raacdo xulafada Sacuudiga, xiriirkana u jarto Qada.

Madaxweyne Farmaajo ayaan aqbalin codsiga Sacuudiga, muujiyeyna in aysan Soomaaliya qayb ka noqon doonin isqabqabsiga Carabta.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

 

 

Prof. Dhoollayare: “Sacuudigu Waligiis Soomaaliya wuxuu la Dabataagnaa Hagardaamo” (waraysi)

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com