Abukar Arman: Fikrado Qotodheer oo Muslimiintu Xusaan Bisha Ramadaan

Abukar Arman: Fikrado Qotodheer oo Muslimiintu Xusaan Bisha Ramadaan

Labaatan iyo shanmuuji dhaqan-wanaag, dadkana ula dhaqan hufnaan tan ugu habboon iyo waliba carrab kan ugu fiican. Fulinta Labada kore waxay muujinaysaa in aad tahay qof cibaado oo leh anshax suubban.

Labaatan iyo afarsida aad dadka ula dhaqantid waxay muujinaysaa kana tarumaysaa xiriirka adiga iyo Eebbe. Maalinka aad dhalatid illaa dimisho waxaad magan u tahay naxariista dad kale, marka dhaqan-wanaag muuji, una roonoow kuwa aad dhaantid.

Labaatan iyo saddexwixii laguu dhiibto dhaqaale oo yaysaan kaa dhicin. Noqo qof ay aamini karaan kuwa aad isku diinta tihiin iyo kuwa haysta diimo kaleba.

Labaatan iyo labocilmi dheef leh raadi illaa iyo saacadda ugu danbaysa ee ambabaxaaga. Ogoow cilmi oo dhan dheef ma leh, cilmi dheef leh oo dhanna qalbigaaga ma dhiso, Eebbena kuuma dhaweeyo.

Labaatan iyo kow, xakamee qalbi-damacaaga si aadan ciil iyo caro ugu walbahaarin. Qofka is xakameeyaa waa mid ka adag caradiisa, waana qof adag oo qalbi xooggan.

Arag Bogga Xiga > Hoos arag oo riix Page 3

PAGES

1 2 3 4

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 1
  • Cabduqaadir saalax axmid 7 years ago

    Asc radio daljir aad iyo aad ayad umahad santihin dhaman shaqalaha daljir sido kale waxan halkan oga mahad calinayaa abukar arman o asigana maskaxdiisa waxa kujidhey halkan noogu so gudbiyey arman wan mahadsatahay e horey usi soc

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com