Abukar Arman: Fikrado Qotodheer oo Muslimiintu Xusaan Bisha Ramadaan

Abukar Arman: Fikrado Qotodheer oo Muslimiintu Xusaan Bisha Ramadaan

Labaatanmaalka adduunku waa meerto. Hadaba ogow maalka aad maanta haysatid ama awoodda aad maanta leedahay ayana waa meerto oo berri qof kale baa leh. Ma jiro qof, dawlad, qabiil, ama qowmiyad ay u qufulantahay.

Toban iyo sagaal, qofkii ka maran dadnimo iyo dulqaad wanaagna waa ka maranyahay. Isku day oo ku dadaal in aad wax walba qalbi wanaag ku abbaarto.

Toban iyo siddeedha khayaanin qof adoo khayaano hore kaga aarsanaya. Iska ilaali qaladaadkaas oo kale, maxaa yeelay waa kuwa ku sabiibixiya oo jaranjarada kaa tuura. 

Toban iyo toddobaisla-weynidu sharaf ma aha. Haddii aad aqoon sare leedahay waxaa jira mid kale oo kaa aqoon badan. Haddii aad maal leedahay waxaa jira mid kale oo kaa maal badan. Haddii aad awood leedahay waxaa jira mid kale oo kaa xoog badan. Sharaftu waa adoo Eebbe u dhawaada.

Toban iyo lixhuggaamiyaha dhabta ahi waa kan dadkiisa u hagar baxa, naftiisana u hura.  Huggaamiyuhu ma aha in uu garabka surto awood iyo xuquuq uusan xaq u lahayn.

Arag Bogga Xiga > Hoos arag oo riix Page 4

PAGES

1 2 3 4

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 1
  • Cabduqaadir saalax axmid 7 years ago

    Asc radio daljir aad iyo aad ayad umahad santihin dhaman shaqalaha daljir sido kale waxan halkan oga mahad calinayaa abukar arman o asigana maskaxdiisa waxa kujidhey halkan noogu so gudbiyey arman wan mahadsatahay e horey usi soc

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com